U bood dhigaalka

11 Qof Oo Lagu Qabtay Howlgallo Ay Ciidamada Dowladda Ka Sameeyeen Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa ka warbixisay howlgallo ay ciidamada dowladda Federaalka ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo gobolka Jubada Dhexe.

Afhayeenka wasaaraddan C/kaamil Macallin Shukri oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho howlgallo ay ka sameeyeen ay ku qabteen 11 qof oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in  ciidamada Danab howlgalkii ay ka fuliyeen degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe ku dileen 3 sarkaal oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, magacyadoodana dib ay kasoo sheegi doonaan.

“Xalay waxaa jiray  howlgal ay sameeyeen ciidamada guud ahaan iyo kuwa AMISOM kaasi oo laga sameeyay degmada Dayniile, halkaasi oo warbixinno ay helayeen ciidamada lagu sheegayey inay joogaan niman Argagaxiso ah howlgalkaasi waxaa lagu soo qabtay Saddex qof, dadbadanna waa lagu baaray oo dadkii joogay meeshaasi ahaa”

“Waxaa kaloo jiray holwgallo kale oo dhacayey, , 12-kii bishan howlgal ay si gaar ah u sameeyeen ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa waxay kusoo qabteen illaa 6 qof oo la tuhunsan yahay inay yihiin Al-shabaab ayna ku socoto baaritaanka, sidoo kale 13-ka bishan howlgal ay sameeyeen ciidamada gaarka u tababaran in sida goonida ah u ugaarsadaan argagaxisa ayaa howlgal isugu jiray beegsi toos ah iyo duqeyn ka geystay duleedka Saakow oo lagu dilay Saddex saraakiil sarsare oo Al-shabaab ka tirsan kuwo kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray waana soo sheegi donna, 13-kii bishan howlgal ay sameeyeen ciidamada degmada Shibis waxaa lagu soo qabtay Labo qof, waxaana wadarta guud noqoneysaa dadka Muqdisho lagu qabtay ee lagu tuhmayo argagaxisada 11” ayuu yiri Afhayeenka.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, waxaana howlgalladaan ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobollada dalka.

Goobjoog News