U bood dhigaalka

Xulka Da’yarta Oo Bilaaway Tababarka 2020

Sheeko:Cayaaraha

Waxaada dhallinyarada Xiriirka Kubbadda cagta dalka ayaa dib u bilaaway qorshaha horomarinta iyo diyaar garowka  tartamada 2020 waxaana maal mama Khamiista iyo Jimcaha ay dhallinyarada Xulka ay tababaro kala gedisan ku qaataan xaerada farsamada Xiriirka Kubbadda Cagta ee garoonka Jamaacadaha.

Guddoomiyaha dhallinyarada Xiriirka Kubabdda Cagta Cabdullahi Xirse Maxamuud ayaa Goobjoog u sheegay in qorshooda yahay in sanadkan ayaa gaaraan meel aad u wanaagsan horomarna u ah wadanka.

Macallimiinta ku mashquulsan tababarada dhallinyaradan ayaa Goobjoog in hadafkooda ugu weyn uu sanadkan yahay in Soomaaliya u soo hooyaan guulo waaweyn ee dhinaca ka qeyb galka tartamada sanada 2020.

“Waxaan lee nahay hami wanaagsan oo ku aadan in dadkeena iyo dalkeena aan u keeno guulo lagu farxo,rajo u noqan kara dhallinyarada kale ee hiigsanaysa heerka aan iminka joogno” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay kabatanka Xulka Da’yarta Soomaaliya Anas Axmed Maxamuud.

Dhallinyarada 15 Jirada oo iminka u gudbay heerka 17 jirada ayaa xirfad wanaagsan kusoo bandhigay magaalada Asmara ee wadanka Eritrea waxayna noqdeen dhallinyaradii ugu xirfada ugu wanaagsaneyd ee kasoo muuqday tartankii Da’yarta Bariga iyo Bartamaha Africa 2019.

Halkan Ka Daawo Warbixin Tababarka Xulka Dhallinyarada Soomaaliya

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/482027142724465/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle