U bood dhigaalka

Maxay Ka Wada Hadleen Beyle iyo Safiirka Ruushka?

Sheeko:Amniga

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Sooomaaliya Dr. Cabdi raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta wadanka Jabuuti kula kulmay safiirka dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov.

Wasiirka kulanka uu la yeeshay safiirka ayaa looga wada hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen xiriirka iskaashiga labada wadan iyo arrimaha deyn cafin maadaama dowladda Ruushka ay ka mid tahay dowladaha lacagaha badan ku leh Soomaaliya.

“Waxaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo aan ka wada hadalnay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay ku dadaalayso sidii dalka deynta looga cafin lahaa, waxaana uu xusay in dowladda Ruuska ay tahay dowladda 2-aad ee lacagaha ugu badan ku leh Soomaaliya.

“Ruushka waa dalka 2-aad ee deyn cafinta ugu badan nagu leh, wada hadalkeenu wuxuu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle.

Kulanka wasiirka uu maanta la qaatay safiika doladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo maalmaan wasiirka uu waday kulamo uu la qaadanaayey dowladaha deymaha ku Soomaaliya oo balanqaaday in ay diyaar u yihiin in ay ka cafiyaan haddii ay soo buuxiso shuruudaha deyn cafinta.

Goobjoog News