U bood dhigaalka

12 Arrin Oo Ay Tahay Inaad Ka Ogaato Xiisadda Turkiga iyo Mareykanka

Sheeko:Dalka

Waxaa in muddo ah cirka isku shareeray xiisadda Turkiga iyo Mareykanka, marka aad si fiican u akhriso waxaad ogaan-doontaa in arrinta dhaqaale waa ka weyn tahay. Labada dal kalama maarman hadda iyo mar walba.

Haddaba, Halkan Hoose Ka Akhriso, 12 Arrin Oo Ay Tahay Inaad Ka Ogaato Xiisadda Turkiga iyo Mareykanka

Arrimmaha Khilaafka:

Dagaalka Ciraaq: Labada Dhinac waxaa ay si hoose isugu arkeen faragelint mid walba uu ku sameeyay dalka Ciraaq.

Suuriya: Dalka Turkiga waxaa uu Suuriya ka sameeyay dagaal ka dhan ah Daacish halka Mareykanka ay hub iyo taageero siiyey dagaalyahannada Kurdish-ka. Kooxda uu Mareykanka hubka siinayo waxaa ay Turkiga u taqaan argigixiso.

Andrew Brunson: Waa wadaad Mareykan ah oo 23 sano ku sugnaa Izmir, Turkiga, ninkan waxaa la xiray October 2016 kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa afgambigii dhicisoobey ee Turkiga iyada oo lagu eedeeyay Jaajuusnimo iyo inuu argigixiso taageerayey. Madaxweynaha Mareykanka Trump waxaa uu ninkan ku sheegay wadaad fiican, oo gardarro lagu xiray.

Fethullah Gulen: Dhinaca kale, Ankara waxa ay marar badan codsatay in loosoo dhiibo wadaadka Fethullah Gulen oo ah nin dhibaato badan ka geystay gudaha Turkiga, caq-qal joogta ahna ku haayo xasiloonida dalka Turkiga iyo dowladda uu hoggamiyo Erdogan.  Turkiga waxa ay doonayaan in labada nin la isku badasho, laakin Mareykanka aya diidan.

Dhaqaalaha Turkiga: Xilliga la joogo ma xuma dhaqaalihiisa, oo sanadkii waxa uu sameeyaa kor u kac 3-4% ah, laakin Mareykanka waxaa uu ku hayaa cadaadis. Bangiga dhexe waxa uu diiday inuu fa’idada kor u qaado, taasina waxa ay leedahay sameynteeda.

Hoos-u-dhaca Liraha: Waxaa hadda jira in dalalka Yurub ee deymaha siiya Turkiga ay wal-wal ka qabaan hoos u dhaca qiimaha Liraha, kaas oo gaaray 40% marka loo eegeo Dollarka Mareykanka.

Baahida Mareykanka:

Arrinta NATO: Turkiga kuma eka xulufo, laakin waa dalka 2aad ee ugu ciidamada badan 29-ka dal ee NATO.

Xuduudda Ciraaq iyo Suuriya: Dagaalka uu Mareykanka ka wado dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waxaa uu u baahanyahay in saanad uga timaada dhulka iyo cirka, cidda ka caawin karta waa Turkiga.

Iran: Turkiga waxaa uu xad lala leeyahay Iran, oo Mareykanka ay cadaadis dhinac walbo ku hayaan, waa arrin xun in labadaasi dal ay u heshiiyaan.

Black Sea: Turkiga waxaa uu jooga Black Sea halkaas oo Ruushka ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan, waxaan jirta baahi ah in la kala ilaaliyo labadan dal inay xulufo noqdaan.

Qaxootiga: Turkiga waxa uu dunida ka haya 3.2 Milyan oo qaxooti Suuriyaan ah, go’doominta Mareykanka uu ku haayo waa mid ka hor imaaneysa in dadkaasi la caawiyo.

Xiriirka Isra’il: Turkiga waxaa uu ku jiraa dalal yar oo muslim ah oo xiriir wanaagsan la leh Isra’il, Mareykanka waa ku qasban yahay inuu arrintaas ka fakiro.

Goobjoog News