U bood dhigaalka

12 Askari Oo Ku Dhimatay Diyaarad Kula Burburtay Waddanka Yeman

Sheeko:Caalamka

Isbahaysiga carabta oo uu hogaaminayo Sacuudi Carabiya ayaa waxa uu sheegay in 12 askari oo u dhashay waddanka Sacuudi Carabiya ay dhinteen ka dib markii ay diyaarad ciidan ay kula burburtay waddanka Yeman,  ciidamada dhintay waxaa ku jira saraakiil waaweyn.

Ururka isbahaysiga waxa ay sheegeen in diyaaradda burburtay ay tahay nuuca UH-60 Black laguna sameeyay waddanka Maraykanka, diyaaraddan ayaa waxay ku burburtay gobolka Ma’rib ee bariga caasimadda Yeman ee Sanca.

Kooxda Xowthiyiinta ah ee ka dagaalanta waddanka Yeman ayaa bishii la soo dhaafay waxay sheegteen inay soo rideen diyaarad dagaal oo uu leeyahy Sacuudiga taasi oo ay ku soo rideen meel u dhow dekadda Al-xadiid ee saaran badda cas.

Ururka isbahaysiga carabta ayaa waxa uu taageero millatari siiyaa dowladda la aqoonsanyahay ee ka jirta Yeman,waxa uuna dagaal kula jiraa muddo ku dhow labo sano kooxda Xowthiyiinta ah ee ka soo horjeeda jiritaanka xukuumadda Yeman.

Inta la ogyahay waxaa ku dhimatay dagaalka ka socda waddanka Yeman dad gaaraya 7600 kun oo shacab ah, 42kun oo kale uu soo gaaray dhaawacyo tan iyo markii dagaalka uu ka dilaacay waddankaasi,inta badan waxyeelada ugu badan waxay ka soo gaartay dadka shacabka ah duqeymaha dhanka cirka ah oo ay fulinayeen diyaaradaha isbahaysiga carabta oo uu hogaaminayo waddanka Sacuudi carabiya.