U bood dhigaalka

12-ka October: 60 sano ayaa laga joogaa markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

calanka

Calankeena Buluuga ah ee xidigta shanta gees leh in muuqaal ahaan sidaan uu u qurux badnaado ma ahayn wax si sahal ah lagu keenay, waxaa u dhabar adeegay muwaadin Soomaaliyeed oo mar walba quluubta dadka Soomaaliyeed aan ka bixin.

Maanta waxa ay ku beegantahay 12-ka Octobar waxaana loo dabaal degaayaa sanad guuradii 60-aad markii calanka Soomaaliya la sameeyay waxaana sameeyay Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.

Marxuumka ayaa markii uu ku guuleestay sameenta calankeena Soomaaliya waxa uu su’aalo badan kala kulmay dad badan oo gumeestaha u badnaa waxaana gumeestaha la sheegay in mar uu diiday calanka Buluuga ah, iyadoona su’aalaha ugu badan dhanka astaamaha ka yimaadeen xilligaasi.

Aas aasaha calanka Soomaaliyeed Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan waxa uu ahaa nin ay ku weyntahay Soomaaliweyn, waxaana sidoo kale uu jeclaa in shanta Soomaaliya ay meel qura wada ahaadaan, sidoo kalena uu ku miijiyay Xidiga cad ee Shanta Gees leh.

Hadaba Calankeena Soomaaliyeed waxa uu yahay Buluug Xidig Cadna dhexda uga taalo, waxaana Marxuumkii Sameeyay uu ku micneeyay calankeena sidaan.

Hoos ka dhageyso warbixin uu ka diyaariyay Maxamed Abuukar Kulmiye: