U bood dhigaalka

12 Ku Dhimatay Weerar Lagu Qaaday Jaamacad Ku Taallo Kabul, Afghanistan

Sheeko:Dalka

Ilaa 12 qof ayaa ka sheegayaa in ay ku dhinteen weerar ka dhacay Jaamacada ku taalo magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afgaanistaan.

7 ardey, 3 Booliis ah iyo 2 ilaalo ah ayaa ku jirta dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday Jaamacadda.

Weerarka oo ka dhacay American University of Afghanistan  waxaa kaloo la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen ilaa 30 ardey oo ka tirsan Jaamacadda.

Labo weerar ayaa la sheegayaa in ay goobta ka dhaceen, mid dhacay aroorta hore iyo mid labaad oo dhacay xilliga ay ardeyda quraac ku jireen, cidna weli ma sheegan weerarka.

Goobjoog News