U bood dhigaalka

Xildhibaano ku eedeeyay gudoomiyaha Baarlamaanka Buuqii shalay ka dhacay golaha shacabka

Sheeko:Dalka

Xildhibaano gaaraya ilaa 115 Xildhibaan ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdishu, Xildhibaanada ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyay buuqii iyo sawaxankii shalay ka dhashay Golaha Shacabka iyagoo sabab uga dhigay Mooshinka uu gudoomiyaha hor keenay Baarlamaanka oo ay xildhibaanadaas ugu yeereen mid sharci darro ah.

Xildhibaanadan ayaa shirka Jaraa’id ku sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka xildhibaanada Baarlamaanka horay ugu digeen in Baarlamaanka la hor keenin Mooshinkaas.

Qodobadii Shirka Jaraa’id ee halkaa laga akhriyay waxaa ka mid ahaa:

  1. In Khilaafka uu ku saleysan yahay tilaabadii isku badalka goloha wasiiraha taasoo uu Madaxweynaha ka hor yimid, in wasiirada amar diido sameeyaan iyo aabaaro mooshin sharci daro ah oo lagu ridayo Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadiisa.
  2. Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku adkeystay inuu horkeeno goloha Baarlamaanka Mooshin siyaasadeysan oo sharci darro ah oo laga soo aabaabulay Madaxtooyada, laguna bixinayo lacag laaluush ah oo sharci darro ah
  3. Waxay aheyd in arintaasi lagu xaliyo is faham iyo wada hadal taasoo ay soo jeediyeen xildhibaanada iyo beesha caalamka lakin uu Madaxweynaha ka dhago adeegay.

Hadaba halkan ka dhageyso dhamaan shirkaas Jaraa’id iyo qodobada.

100101_001

DSC_0535

DSC_0537

 

 

DSC_0540

 

 

 

DSC_0535