U bood dhigaalka

13 Dhallinyaro Soomaaliyeed Ah Oo Ku Xirnaa Liibiya Ayaa Soo Gaaray Muqdisho

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde soo cago dhigatay diyaarad ay la socdeen 13 dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo ay dowladda Federaalka ka soo deysay xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya.

Dhallinyaradan ayaa doortay in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo, kadib markii ay soo mareen dhibaatooyin badan, muddadii ay ku xirnaayeen xabsiyada Liibiya.

Xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhallinyaradan ku soo dhoweynaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Waa qaybtii Labaad oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii laga soo daayey xabsiyada Liibiya.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News