U bood dhigaalka

13 Dowladood Ee Bixiya Adeegga Waxbarasho ee Ugu Fiican Dunida

Sheeko:War

Shirkadda la yiraahdo InterNations oo ah shabakadda ugu ballaaran qurbajoogga dunida, ayaa sameysay ra’yi uruurin cusub oo lagu qiimeynayo 43 dhinac oo kala duwan, kana mid ah nolosha qurbaha ee waxbarasho.

Dhinacyada la eegayay waxaa ka mid ahaa caafimaadka, nabadda, kharashaadka waxbarasho oo muhiimadda ugu weyn la siinayay, laakiin muhiimadda ugu weyni waa waxbarashada dalkaa loo doonanayo taalla oo dhanka qoysaska ubadkooda u dirayaa dibadda ay aad u xiiseynayaan.

Shirkadda InterNations ayaa su’aalo weydiisay 14300 qof oo waxbarasho dibadda ah ubadkooda u diray, kana kala socda 174 dal oo kala duwan, kuna kala nool 191 dowladood, si loo qiimeeyo 43 dhinac oo nolosha qurbaha ku saabsan.

Dowlahada ugu wanaagsan dhinaca waxbarashada dadka doonaya iney ubadkoodu dibadda wax ku tagaan, waxay kaalmaha u kala galeen sidan:

  1. Finland

70% Ra’yi uruurintan dadkii ka qeybgalay waxay isku raaceen in waxbarashada Finland ay aad u wanaagsan tahay marka loo barbardhigo dhexdhexaadka dunida oo gaarsiisan 21%.

  1. Singapore

Kharashka waxbarasho ee dalka Singapore dadka shisheeyaha ah ee wax ka  bartaa kuma faraxsana, laakiin 53% waalidku waxay aaminsan yihiin in waxbarashada taallaa ay aad u tayo sarreyso.

3.Switzerland

Waxbarashada Switzerland taallaa waa tan ugu wanaagsan dunida, waana sida ay qabaan inbadan oo ka mid ah waalidka ra’yi uruurintan ka qeybqaatay.

  1. South Korea

Tayada waxbarasho ee Kuuriyada Konfureed wey korortay 47% ayaa lagu qiimeeyay, waxbarashaduna aad ayay utayo sarreysaa, iyadoo sanadkii hore 22% kaliya lagu qiimeeyay.

  1. Hong Kong

Hong Kong, waxay kaalmaha hoose kaga jirtay dhanka kharashka waxbarasho oo aad u sarreeya, laakiin aqoonta waxa uu ka galay kaalmaha koowaad.

  1. Israel

84% waalidka ardaydooda ay  ku nool yihiin dalka Israel waxay ku qiimeeyeen heerka waxbarasho ee tallaa mid aad u wanaagsan.

7- Belgium

Saddex meelood waalidka caruurtoodu waxbarashada u joogto dalkaas aad ayay u maaneen, waxayna sanadkii hore 17% ka heshay qiimeynta.

8- Taiwan

Waxa uu ku jira dalalka ugu wanaagsan dhanka maciishadda uguna waxbarasho fiican.

9-Netherlands

Holland waxay kaalinta 24 aad kaga jirtay heerka waxbarashada adduunka, laakiin sanadkan waxay soo gashay 10 kaalmood ee ugu horreeya.

10- Australia

Waxbarashada dadka u doontay waxay ku qiimeeyeen 64%, halkan heerka caalamka ay kaga qiimeysan tahay 45%.

  1. India

Waxbarashada India aad ayay u sarreysaa, laakiin waa qaali, 48% waalidiinta ay caruurtoodu ay ku waxbartaan waxay ku tilmaameeyn mid aad u qaali ah.

  1. Austria

85% aabayaasha ay ubadku uga waxbartaan waxay ku qiimeeyeen waxbarashada mid wanaagsan iney tahay, adduunka intiisa kale waxa uu ka horreeyaa boqolleey 21 dhibcood ah.

  1. Czech Republic

Kharashka waxbarasho waa mid macquul ah, sida ay sheegeen 74%, waalidka ay ubadkoodu waxbarashada ay ka dhigtaan.