U bood dhigaalka

14 Ka Mid Ah Kooxaha Mucaaradka Oo Lagu Dilay Waddanka Congo

Sheeko:Dalka

Hay’adda laan qeryta Cas ayaa waxay sheegtay in ciidamada waddanka Congo ay dileen 14 ka mid ah kooxaha falaagada ah kuwaas oo ah kuwo gooni goosid ah, kooxahaan ayaa waxaa lagu dilay bartamaha waddanka Congo.

Mas’uul ka tirsan Hay’adda laan qeyrta cas ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Congo ay qaadayeen weeraro ka dhan ah kooxaha gooni goosadka ah intii lagu guda jiray dhamaadka todobaadkaan, weeraradaas oo ay ka fulinayeen xaafado ku yaallo bartamaha waddanakaasi, taasi oo keentay inay ciidamada dilaan 14 ka mid ah kooxaha mucaaradka gooni goosadka ah.

Waddanka Congo tan iyo sanadkii 2016 kii markii la dilay hogaamiye qabiileedkii ninkii lagu magacaabi jiray Nasambo, qeybo badan oo ka trisan waddanka waxaa ka dhacayay iska horumaadyo iyo xadgudubyo ka dhan ah bani’aadanimada.

Goobjoog News