U bood dhigaalka

14 October, maalin aysan iloobin shacabka Soomaaliyeed

Sheeko:Amniga

Maanta waxa ay ku beegan tahay 14 October 2019, waxaana Labo sano kahor maanta oo kale qarax xooggan uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Waxa ay ahayd xilli Casir ah, wadada Zoobe waxa ay ahayd mid aad iyo aad u mashquul ah, waxaana dhan walbo oo isgoyska iyo meelaha ku dhow ah ku sugnaa boqolaal shacab ah.

Gaari weyn oo ka yimid dhanka wadada Afgooye ayaa si lama filaan ah ugu qarxay meel qiyaas ahaan wax ka yar 10 Mitir u jirta isgoyska Zoobe.

Qaraxaasi ayaa sababay geerida ku dhowaad Kun qof qof oo shacab ah, iyo dhaawac aad u badan, sidoo kalena waxaa halkaasi ku burburay hanti gaareysa malaayiin doolar.

Maalintaan waa maalin aysan iloobin shacabka Soomaaliyeed, waxayna ahayd maalin mideysan qalbiyada dadka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan.

Maanta waxaa magaalada Muqdisho iyo meello kale oo dalka ah laga xusayaa maalintan madow, waxaana la filayaa in dad isugu jira shacabiyo mas’uuliyiin isugu yimaadaan bartamaha Isgoyska Zoobe oo laga taagay Taallo loogu talogalay in xilli walbo lagu xusuusto dhacdadaasi.

Goobjoog News