U bood dhigaalka

14 Qof Oo Shuban Biyood Ugu Dhintey Degmada Luuq, Gedo

Sheeko:Caafimaadka

Inta la xaqiijiyey 14 qof oo 8 ka mid ah ay yahiin Caruur ayaa  Cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootey degmada Luuq ee gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah Tuulooyinka hoos yimaada degmadaasi, waxaana sidoo jira dad ka badan ilaa 276 ruux oo uu soo ritey Cudurkan tan iyo inti uu ka dilaacay degmadaasi 5-tii bishan Maarso 2017, waxaana hadda u jiifa dad gaaraya ilaa 80 ruux, sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen Maamulka iyo Dhaqaatiirta Caafimaadka degmada Luuq.

Dhaqtar Cabdi Guure Kadaan oo ah Maamulaha Isbitaalka Luuq ayaa sheegay  sababta keentay in Cudurkan shubanka uu dilaaco in ay la xariirto abaaraha, biyo la’aanta, Nadaafad darrida iyo barakaca, isagoo sheegay Bukaannada la liita shubanka intooda badan in ay ka kala imaanayaan deegaannada Miyiga iyo tuullooyin ka kala tirsan Gobollada Bakool iyo Bay oo Luuq deris la ah.

Bukaannada la liita Cudurka shubanka  ayaa qaarkood gaari dameero looga keenay Tuulada Ceelboon oo Luuq kaga beegan dhanka waqooyi una jirta 40 km, iyadoo dadka qaarkii aysan awoodin lacago ay Gaadiid ku raacaan, maadama dhowr qof ay yahiin.

Qiimaha lagu raaco gaariga ayeey dadku sheegeen inuu yahay lacag dhan 75 kun oo shilin Soomaali ah, taasi oo dadka badadi aanan awoodin.

Waxaa bukaannadaasi kamid ah Xaawo Cabdi Cali  oo ah hooyo leh Afar carruur ah, 7 maalin kahor ayeey gaari Dameer looga keenay tuulada Ceelboon, Waxa ay Goobjoog News u sheegtay in Labo maalmood ay waddada kusoo jirtay oo iyadoo aad u shubmeysa la keenay balse hadda ay heshay daawooyin ,islamarkaana caafmaaadkeeda uu soo hagaagayo.

Cudurka Shuban biyoodka ayaa ka jira inta badan gobollada dalka, waxaana cudurkaan la jiifa bukaanno u badan carruur.

Goobjoog News