U bood dhigaalka

14 Qof Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Masar

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa xabsiga dhigay muwaadiniin Soomaaliyeed, kadib howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Qahira ee xarunta dalkaasi.

Ciidamadan ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay xaafadaha ku yaalla degmada Nasri City ee Soomaalida ku badan tahay, waxaana ay xabsiga dhigeen 14 qof.

Dadkaan la xiray ayaa isugu jira arday iyo qaxooti, waxaana la barayaa sida la xaqiijiyey sharciga ay ku joogaan dalka Masar.

Weli taliska booliiska iyo maamulka degmada Nasri City faah faahin kama aanay bixin Soomalidan ay xireen iyo sharciga ay dalkaasi ku joogaan sax ahaanshiyasiisa.

Ciidamada Masar ayaa muddooyinkaan dambe waxay wadeen howlgal ballaaran oo ay ku beegsanayaan ajaniibta aan haysan deganaanshiyaha dalkaasi.

Goobjoog News