U bood dhigaalka

1400 oo Sano ka hor, Yaa Diinta Islaamku Siisay Gabdhaha Muslimiinta Xaqooda Bulsho.

Sheeko:War

Nin walba oo weyn waxaa dhinicisa joogta haweenay qiimo weyn leh. (Beside every great man there’s a great woman. She is beside him. She is with him. Not behind him.)

  يَـٰٓأَيُّہَاٱلنَّاسُإِنَّاخَلَقۡنَـٰكُممِّنذَكَرٍ۬وَأُنثَىٰوَجَعَلۡنَـٰكُمۡشُعُوبً۬اوَقَبَآٮِٕلَلِتَعَارَفُوٓاْ‌ۚإِنَّأَڪۡرَمَكُمۡعِندَٱللَّهِأَتۡقَٮٰكُمۡ‌ۚإِنَّٱللَّهَعَلِيمٌخَبِيرٌ۬ (١٣)

Dadow waxaan idinka abuurray lab iyo dhaddig, waxaana idinka yellay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, Ruuxase ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Eebana wax walba waa ogyahay.

Aayada waxaaan ka fahmeynaa in ruux walba inta uu ka taqwo ama uu ka Alle cabsi badan yahay ruuxa kale uu ka karaama badan yahay Alle agtiisa. Karaamada Alle uu siiyo adoomadiisa Kuma xira qolo, midab ama jinsi Ragg iyo Haween Alle waa u siman yihiin.

Balse marka ay noqoto nolosha aduunyada iyo Mas’uliyadaha qolo walba saaran waa lagu kala duwanyahay sida jinsi ahaanba ay Ragga iyo Haweenku uu kala duwan yihiin.

Waxaan kula talinaya Culumada iyo Haweenka Soomaaliyeed in doodaha dhex maraya ay ku saleysnadaan diinta oo aysan noqon mid dhaqan la xiriirta ama aragti laga keenay dibada.

Haweenka Soomaaliyed waxaan dhihi lahaa:

Marka hore xususnaada Culumadu waxay wadaan waa dhaxalki Anbiyada, ”Al-‘culema-u warasatul anbiya”, the scholar’s (Culema) are the inheritors of the Prophets. Waa dhici karta culumada qaar inay saameyn ku yeelato bi’adda ama dhaqanka, si aad u garataan oo u fahamtaan dooda culumada intee waafaqsan diinta inteese ka baxsan waxaan idin kula talinayaa inaad diinta barataan, sida taarikhda ku xusan gabdhuhu waxay diinta bareen culumo waaweyn oo u ka mid ahaa Ibn Taymiyah.

Waa in Haween ahaan aad iska ilaalisan inaad qaadataan wax aan diinta Islaamka waafaqsanayn oo ay dhici karto in dano kale laga leeyahay, doodinu mar walba ha ku saleysnaato arinta laga doodayo Alle iyo Rasuulkisa Muxamed (NNKH) maxay ka dhaheen, waa inuusan marjaca la xiganaayo ama tixraacu noqon UN-ka iyo Beesha Caalamku maxay dhaheen, xuquuqda uu UN-ku leeyahay ha la siiyo Haweenka in ka badan yaa diinta Islaamku idin siisay, kaliya ha la iska ilaaliyo wixii diintena Islaamka ka horimaanaya oo aan waafaqsanayn.

Culumada Soomaaliyeed waxaan dhihi lahaa:

Waa in aad iska ilaalisan in haweenku idiin arkaan kuwo iyaga ka soo horjeeda, waa inaad kasbataan gabdhaha oo u dodaan xuquudoda waqti walba, waa in si gaar ah loo ixtiraamo gabdhaha maadama ay laf dhabar u yihiin dacwada Islaamka ayna yihiin kuwa bixiya dhaqaalaha ugu badan ee dacwada, habeen iyo maalina u taagan yihiin inay diinta baraan caruurta iyaga oo waliba si fiican u hayo shaqooyin badan oo ay ahayd in ay la qabtaan ragga.

Waxaan Culumada Soomaaliyed usoo jeedin lahaa sida ay u barteen diinta si la mid ah inay u bartaan dabeecadihii, akhlaaqdi iyo naxariisti nabi Muxamed (NNKH). Waa in Culumadu qabtaan kulamo badan oo u gaar ah Ragga oo lagala hadlayo Masu’liyadaha ay dayaceen, wax badan yaan maqla barnaamijyo u gaar ah Haweenka sida (Women in Islam) waxaan qabaa in hada aad loogu baahan yahay kuwo u gaar ah Ragga sida (Men in Islam)maxaa yeelay waa halkaas meesha aan hada ka dayacanahay oo mushkiladu ay ka jirto.

Hadii aan usoo laabto Haweenka, guud ahaan sida taarikhda ku xusan meel walba oo dunida ah waa ay ku dulmanaayeen, welina inta badan waa ay dulman yihiin, hadii aad fiiriso qaab nololeedka haweenka reer galbeedka shalay waa ay dulmanaayen oo waxaa lo diiday fikirka, xoriyada iyo xuquuqda ilaa laga soo gaaro qarnigii 18-aad xilligi kacaanka warshadaha, waqtiga iyada ah waxaa loo ogolaaday shaqada oo kaliya balse Siyaasadda iyo Dhaqaalaha weli waxay u xiraayen oo haystay Ragga oo dumar loma ogolayn.

Hada oo la yiri waxaa tihiin xorna mar kale ayaa la dulmiyay oo waxaa laga dhaadhiciyay oo loo jiheyay sida uu suuqa ama (Market-ku) rabo oo waxaa la yiri waa inaad u labistaan oo gashataan dhar gaaban is caateysaan ama dhubnaataan si qurxudina loo arko, guurka dib u dhigtaan, caruur badan inaadan dhalin IWM, halka uu Islaamku ku xiray shrafta iyo karaamada Haweenka sida Ragga oo kale Alle ka cabsi.

 

Waa in Haweenka Soomaaliyeed ay bartaan diintoda Islaamka oo siisay xuquuqdooda 1400 oo sano ka hor, Soomaaliya uma baahno kala qeybsanaan kale oo la dhex dhigo dumarka iyo Ragga.

 

Haweenka dunida maanta waxay u dhaxeyaan reer galbeed hoos u dhigay karaamada iyo sharafta dumarka oo sawirada ama muqaalada haweenka laga qaado wax ku xayeysiya ama si xun u isticmaala. Dhinaca kale Mujtamacaatka Islaamka qaarkood ee cadaadiya haweenka iyaga oo ku dhaqma waxa loo yaqaan (cultural Islam) halki ay ku dhaqmi lahaayeen (Islamic culture).

Diinta Islaamka oo kaliya ayaa Haweenka siisay xuquuq aan la xaqiri karin, xuquuq la mid ah tan ragga, ku dhiri galisa Haweenka in ay qeyb weyn ku lahadaan horumarka bulshada hadey ahaan lahayd Hooyo, Barbaariye, Macalin, Doctor, Siyaassi iyo xirfadaha kale ee loo baahan yahay.

Ugu danbeyn waxaan la hadlayaa waa Ragga Soomaaliyed sida aad ogtihiin wax badan yaa naga halaabay hal dhinac oo noo fiyow oo aan ku bad baadnay waxay tahay waxaa Alle na siiyay Gabdho qurux badan, qimo badan oo karti leh iyada oo la dhihi karo waa Gabdhaha ugu kartida badan caalamka, hadi aysan sida ahaan lahayn dal Soomaaliya la dhaho maanta inu Jiri lahaa shaki baa laga qabaa, cadowaga Soomaaliya waa ogyahay kartida Gabdhaha Soomaalida waana halka ay hada isha ku hayaan oo (target) ama bartilmaamedka u ah. Ha loo sama falo Gabdhaha xuquuqda uu Alle siyayna yaan la dayicin, Alle SWT dhagarta cadawga ha naga hayo. Aamin