U bood dhigaalka

15 May: DF oo Iqaamo u Diiday Macalimiinta Masar

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku guuldareysatay iney dal kujoogga ama iqaamada u cusbooneysiiso macalimiinta Masaarida ee wax ka dhigaya iskuulka 15 May ee magaalada Muqdisho.

Ilo xogogaal ah ayaa u xaqiijyey Goobjoog News in iqaamada oo sanadkiiba mar la cusbooneysiiyo ay ka dhacday ka hor November 9, 2019 laakin ilaa hadda aaney jirin cid cabirtay ama ka jawaabtay cabashadooda, taasina ay sababtay cabsi soo wajahdey, oo aaney dibadda iskuulka u bixi karin, soona adeegan karin.

Warar kale waxaa ay sheegayaan in dhibaatooyin badan ay heystaan macalimiinta Masaarida ee 15 May sida biyaha oo ka go’an suuliga iyo qeybo kale iyaga oo nafaafadda, cunto kariska iyo wax walbo iskood u qabsada oo shaqaale la’aan ah.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sidoo kale diiday iney iskuulka geyso macalin ardeyda baro farta Soomaaliga, 2 sano ayey meermeerin ku jirtay.

Dhankooda macalimiinta Masaarida ee ku sugan Puntland mar hore ay iqaamo heleen, waxaa kale oo loo fududeeyey dhammaan hawlaha ay u baahdaan.

Macalimiintan ayaa ku yimid heshiis dhexmaray labada dal, waxayna dalka yimaadeen November 2016, waxaa lagu bilaabay 15 May iyada oo lagu wado iney ku fidaan ilaa 6 iskuul oo ay ku jiraa Xasan Barsane iyo Jamaal Cabdunasir.

Wasaaradda waxbarashada ayaa loo baahnaa iney garab istaagto, una fududeyso baahiyada jira laakin wasiirka waxbarashada Cabdilaahi Goodax Barre ayaa la sheegayaa inuu ka dhago fureysto xalinta dhibaatooyinka.

Ardeyda ayaa wax lagu baraa lacag la’aan iyada oo waxbarashada kasokow la hirgeliyey garoomada ilaa 6 cayaar oo kala duwan. Waalidiin la hadley Goobjoog News ayaa sheegay iney ku qanacsan yihiin waxbarashada, aadna ugu mahadcelinayaan dowladda iyo shacabka Masar.

Goobjoog News