U bood dhigaalka

WHO: 16 Kun oo Qof ayaa Sanad Walba Dalka Ingiriiska Ugu Geeriyoota Hawo Xumo

Sheeko:Dalka

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ka digay dhibaatada wasakhowga hawada oo sanad walba ay u dhintaan 16 kun oo British ah, iyadoo ururkani uu Shalay daaha ka rogay tirakoob cusub oo sheegay in dadka dunida ku nool 92% ay ku noolyihiin goobo aaney hawadu wanaagsaneyn.

Nada Osseiran oo ka tirsan ururka Caafimaadka Adduunka ayaa u sheegtay shabakadda “ITV”, in sanadkii 2012 Sagaalkii qof ee dadka dunida in Hal ruux uu u dhintay hawo wasakhawoga, iyadoo farta ku fiiqday in dalka Ingiriisku inaanuu ahayn kan ugu badan ee ay dadku u dhintaan hawo wasakhowga, balse dalalka soo koraya iyo kuwa dakhligoodu dhexdhexaadka yahay ay ugu badan yihiin dhanka dhimashada hawada wasakhaysan la sababsado.

Tirakoobyada la sameeyay ayaa waxaa soo galaya dadka u dhinta cudurada Stroke-ga iyo kansarka sanbabada.

Kaaliyaha Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka, Dr.Flavia Bustrio ayaa tiri; “Tirakoobka WHO ee cusub ayaa muujinaya wadamada leh heerarka halista ah ee wasakhowga hawada, waxayna bixineysaa warbixintani talooyin looga hortagi karo khatarta ay keenayso”.

Waxay intaa sii raaciysay; ” Hawo wasakhowgu waxa uu si taban u saameeyaa dadka aadka u jilicsan sida; caruurta, dumarka iyo dadka da’da ah”. Waxayna carrabka ku adkaysay si loo helo dad caafimaad qaba in ay lagama maarmaan tahay iney ay helaan hawo nadiif ah, laga bilaabo maalinta ay dhashaan illaa inta ay ka dhimanayaan.

Cilmi baaristan ay WHO sameysay ayaa waxaa ka  jawaab celin afhayeen u hadlay wasaaradda deegaanka Ingiriirka oo yiri; ” Xukuumadda Ingiriisku waxay ku dadaaleysaa iney hagaajiso hawada dadku ay helaan iyo in hoos loo dhigo waxyaabaha hawa wasakhowga keenaya”.

Goobjoog News