U bood dhigaalka

160 Qof Oo Lagu Qabtay Howlgal Ciidamada Dowladda Ka Sameeyeen Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Warta Nabadda ah ee magaalada Muqdisho waxay ku qabteen dad gaaraya 160 qof, gaadiid iyo hub.

Afhayeenka wasaaradda amniga C/kaamil Macallin Shukri oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dadkii la qabtay dhammaantood lasii daayey kadib markii laga waayey cid lagu tuhmayo Al-shabaab.

Geerash ku yaalla degmada Warta Nabadda ayuu sheegay inay kusoo qabteen 3 askari, Saddex gaari oo laga dhex helay maandooriyaha Xashiiska, darees ciidan, Labo qori Ak-47 iyo Bistoolad.

“Xalay howlgal ay sameeyeen ciidamada ammanka ee isugu jiran Nabad sugidda, Booliiska, Milatariga, Asluubta iyo AMISOM ayaa ka dhacay degmada Warta Nabadda, halkaasi oo laga soo sheegay warbixinno, ayaa waxaa lasoo uruuririyey in ka badan 160 qof, dhammaantood lagama helin dadkii cadowga ahaa ee la raadinayey, geerash meesha ku yaalla ayaa howlgalka qeyb ka ahaa, waxaa laga soo dhex bixiyey Saddex gaari, waxaa lala soo qabtay Saddex qof, gaadiidkaasi qaarkood waxaa saarnaa 2 qori Ak-47, bistoolad, darees ciidan iyo xashiishad, dadkan ma ahan dad lala xiriirinayo Al-shabaab, waa dad darees qabo oo la rabo in xog intaan ka badan laga helo, waxyaabaha lagu arkay ayaa ah xashiishka oo ah dhaqan aan ciidanka looga baran” ayuu yiri Afhayeenka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xoojiyey howlgalada amniga lagu xaqiinayo kuwaasi oo ka dhacay xaafado badan oo ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Goobjoog News