U bood dhigaalka

17 Qof Oo Lagu Dilay Bartamaha Mali

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalo bartamaha dalka Mali, sidaasi waxaa sheegay Radio France International (RFI).

Dadka dhintay waxaa ku jiray haween iyo caruur oo ku sugnaa tuulada Koulogon ee gobolka Mopti, sidaasi waxaa yiri wasiirka isgaarsiinta dalkaasi Arouna Modibo Toure.

Arrintan rag hubeysan ay tuulooyinka iska weeraraan ayaa sabab looga dhigay dagaal beeleed la xiriira daaqsiin iyo xoolo dhqato, waana arrimo horay u soo jiray.

Goobjoog News