U bood dhigaalka

18 Ka mid ah Baraha internetka ee 26-ka wasaaradood Waxey Ku Qoran Yihiin af Ingiriisi, Wasaaradda Isgaarsiinta

Sheeko:Dalka

Daraasad ay sameysay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa lagu ogaaday in baraha internetka ee wasaaradaha dawladda ay intooda badan ku qoran yihiin af Ingiriisi, halka afka Soomaaliga uu yahay afka labaad.

Daraasaddan oo la sameeyay bishii Diseembar 2018 ayaa sheegeysa in 18 ka mid ah baraha internetka ee 26ka wasaaradood ay af Ingiriisi ku qoran yihiin, halka 12 kaliya ay leeyihiin qeyb Soomaali ah. Iyadoo Wasaaradda Boostada ay tahay wasaaradda kaliya ee website-keeda uu leeyahay qeyb af Carabi ah, inkastoo wasaaradaha qaarkood uu tarjumidda markaasba sameynayo google, taas oo aan ahayn tarjumaad sax ah.

Wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa wasaaradaha inay soo dhammeystiraan xogaha u saaran barahooda si shacabka Soomaaliyeed ula socon karaan waxqabadkooda.