U bood dhigaalka

18 Qof Oo Ku Geeriyootay Iska Hor imaad Ka Dhacay Niger

Sheeko:Caalamka

18 qof ayaa dhimatay halka ay dhaawacmeen 43 qof oo kale shaqaaqooyin ka dhax dhacay xoolo dhaqato iyo beeraaley meel u dhaw magaalada Bangui ee caasimadda Niger  talaadadii shalay, waana sida ay sheegayso wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas Niger ee ku yaalla galbeedka Afrika.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay isku dhaca xoolo dhaqatada iyo beeraaleyda khasaarihii ka dhashay; ” Isku dhacani waxa uu sababay dhibaato xanuun badan oo 18 qof ay ku geeriyootay halka ay ku dhaawacmeen 43 qof oo kale, waxaana la iska gubay guryo”, deegaanka la yiraahdo Tahoua ee dalka Niger.

Wasaaradda ayaa hadalkeeda sii raacisay “Hadda waxaa goobta ku soo noqday deganaanshiyihii, kadib markii ciidan la kala dhex dhigay dadkii dagaalamayay, ciidankaas oo ammaanka iyo hantida dadka ilaalinaya.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Niger ayaa muwaadiniinteeda ugu baaqday iney ilaashadaan xasilloonida iyo kala dambeynta, iyadoo ballan qaaday iney baareyso dadka dambiilayaasha ah ee dhacdadan ku lug leh, garsoorkana ay la tiigsan doonaan.

Goobjoog News