U bood dhigaalka

18 Ruux Oo Abaar Ugu Geeriyootay K/galbeed

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gargaarka iyo daryeelka naafada ee maamulka K/galbeed ayaa sheegtay in abaarta ka jirta deegaannada maamulkaasi ay u dhinteen dad gaaraya 18 qof, Labadii bil ee ugu dambeysay.

Wasiirka wasaaraddaasi C/laahi Muuse Abukar oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in baahiyaha ka jira deegaannada K/galbeed ay aad u kala daran yihiin.

Wuxuu sheegay in iyadoo abaar daran ay ka jirto gobolladooda in hadane dad kale oo kasoo barakacay gobollo kamid ah Jubooyinka iyo Gedo ay soo gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

“Labadii Bil ee lasoo dhaafay 18 qof ayaa gaajo ugu geeriyootay gobollada Baay iyo Bakool, dad kale weli waa ay il daran yihiin, waxaa kaloo intaa kasii daran cudurka shuban biyooodka oo dad badan ay la jiifaan, annaga wixii tabarteenna ah waan sameennay” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir C/laahi ayaa ugu baaqay cid walbo oo Soomaaliyeed in  gacan xooggan ay ka geysato sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaarta ku hayso K/galbeed.

Goobjoog News