U bood dhigaalka

18 Sano Kadib: Casharro Laga Baran Karo Maamul Goboleedka Puntland

Sheeko:Dalka

Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland waxaa uu maanta jiraa 18 sano, mudadaas waxaa soo maray 5 madaxweyne, dhammaantood waxaa ay ka sinnaayeen jacaylka ay u qabaan midnimada dalka Soomaaliya.

Khilaafyo badan ayaa soo  kala dhexgalay maamulkaas iyo dowladda Soomaaliya laakiin khilaafkaas ma gaarin mid saameyn ku leh jiritaanka ummadnimo iyo midnimada Soomaaliya, arrintaas waa cashir kale oo laga baran karo Puntland.

Maamul goboleedka Puntland waxaa uu dhismay August 1, 1998-dii kadib shir ay qaateen siyaasiyiin, isimmo iyo dhamaan waxgaradka gobolka ku dhaqan kuwaas oo ku heshiiyay in gobolladaas loo dhiso maamul u adeegga bulshada halkaasi degan, xiligaas waxaa koofurta Soomaaliya ka talinayey hoggaamiye kooxeed mid waliba xaafad iyo deegaan gaar ah ka taliyo.

Puntland waxaa ay leedahay maamul leh 3 awoodood: fulin, sharci dejin iyo garsoor, waxaa ay qabtaan shaqo bulshada deegaannadaas ku kala nabad galeen, waana dowladda ay tusaalaha u soo qaataan maamul goboleedyada hadda jira.

Cabdulahi Yusuf  Axmed ayaa noqday madaxeynihii ugu horeeyay ee Puntland, waxaana jagadaas uga dambeeyay Maxamed Cabdi Xaashi, Maxamud Muuse Xersi, Cabdiraxmaan Maxamed Faroolle iyo Cabdiweli Maxamed Gaas.

Madaxweyne kasta wax ayuu qabtay:  mid Ciidanka Darwiish iyo Boliis dhisa, mid waddo dhisa, mid garoon diyaaradeed sameeya, mid dastuur lagu xasuusto iyo arrimo kale ayaa mid walbo u diiwaan galay.

Muranka Puntland iyo Somaliland:

Waxaa jirta muran dhulka ah oo u dhaxeeyay Puntland iyo Somaliland, gobollada Sool iyo Sanaag ayaa lagu muransan yahay, si Puntland arrintaas uga gaashaamato waxaa ay mar walbo madaxweyne ku xigeen u doorataa shakhsi ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag raggaas waxaa ka mid ah: Maxamed Cabdi Xaashi, Maxamed Xaaji Qoonle, Xasan Daahir Afqurac, Cabdisamad Cali Shire iyo rag kale. 

Puntland dhanka Soomaalinnimada waxaa lagu xasuutaa dhowr mowqif oo muhiim ah:

Madaxda Puntland kama hadlaan gooni isu taag, inkasta oo bulshada iyo shacabka reer Puntland aan lagu dayi Karin faquuqaas hadana madaxda aayaba jecel Soomaalinnimada iyo midnimada.

Shir kasta oo dib u heshiisiin ah oo Soomaaliya loo qabto maamulkaas waa joogay laga soo bilaabo Carte, Eldoret, Djabuti iyo shirarkii kala duwanaa ee ka dhacay Muqdisho.

Shirar ay martigelisay: Waxaa ka mid ah shirarkii Garoowe 1, 2 oo looga baxay KMG-ka, arrintaas oo muhiim u aheyd jiritaanka qarannimada Soomaaliya.

Puntland dhul iyo dad ahaan waa ka badan tahay maamulka Somaliland, dhibaato iyo dagaal sokeeye ayaa dhexmaray iyada iyo gobollada koofurta hadana sida Somaliland go’aan ma gaarin.

Dadka siyaasadda Soomaaliya wax ka qora waxaa ay isku raaceen in Puntland ay sabab u tahay aqoonsi la’aanta Somaliland waayo waa gobol ismaamul leh, nabad ah isla marakaana doonaya midnimo.

Heshiisyada Shidaalka Ee Puntland: Heshiiskii shidaal ee ugu horeeyey waxa ay Puntland saxiixday sanadkii 2005 kaasi oo lala galay shirkadda Range Resources , taasi oo markii dambe heshiiska loo balaariyey lagana dhigey mid wax soo saar sanadkii 2007-dii, halkii markii hore uu ahaa baaris oo kaliya. Markani waxaa bah wadaag la noqdey shirkadda kale ee Canmex Holdig oo laga leeyahay jasiiradda Barmuuda ee Canada.

Sida heshiiska ku xusnaa ee loo qeybsanayo wax soo saarka, shirkadda waa in ay samayso sedex sano oo shidaal baaris ah, haddii shidaal la helana markaasi loo saxiixo 20 sano oo qandaraas shidaal soo saaris ah, taasi oo la kordhin karo muddo 5 sano oo kale.

Hase yeeshee labadii ceel ee lagu hanweynaa ee Shabeel 1 iyo Dharoor waa lagu hungoobey, wax shidaal ahna lagama gaarin, tan waxa ay horseedey in Puntland ay qandaraas hor leh la saxiixayo shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo ION si ay u samayso sahan xagga badda ah, una soo uruuriso macluumaadka kheyraadka shidaalka ee gunta badda ku jira.

Shirkadihii kale ee Range Resources iyo Red Emporors ee horey qandaraaska ula lahaa Puntland ayaa iyaguna danaynayay in ay sameeyaan sahankaasi.

Waxaa iyaduna jirtey qorshe ay wadeen dad u dhashay dalka Maraykanka iyo kuwa Soomaali ah oo heysta dhalasahada Maraykanka kaasi oo ahaa in Puntland laga dhiso warshad sifeysa shidaalka oo maalinkii soo saari karta 100,000 fuusto oo shidaal ah, qorshahani waxa uu u baahnaa lacag dhan $1.5 bilyan oo doolar, balse lacagtii waa la heli waayay, qorshihiina sidaas ayuu ku meelmari waayay.

Waxaa iyana jirtey in madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu wiilkiisa Cabdiqaadir u direy dalka Maraykanka ah isaga oo ah ergey ka socda maamulka Puntland,

September 3, 2015: Wakaaladda batroolka iyo macdanta ee Puntland ee magaceeda loosoo gaabiyo PPMA ayaa qandaraas la saxiixatay shirkadda shidaal baaris oo laga leeyahay dalka Maraykanka , taasi oo lagu magacaabo ION Geophysical Corporation.

Illaa 8,000 km oo isku wareeg ah oo dhanka badda ayay ION shidaalka ka baaraysaa,llaa 25 ceel ayaa u asteysan shirkadani, kuwaasi oo ku kala faahsan dhul badeedka Puntland ay xukunta oo dhan 180,00km oo isku wareeg ah.

Ugu dambeyn Casharro badan waa laga baran karaa Puntland, Midnimada ayaa ugu xoogan, sidaa darteed maamulka Puntland waa in uu ka fakiro sidii loo hormarin lahaa bulshada ku dhaqan gobollada Puntland, kana fogaadaa in uu waqti dambe uga baxo isku dhererinta dowladda federaalka ah.

W/Q: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye,

Email: [email protected]