U bood dhigaalka

2 Burcad Badeed Ah Oo La Dilay Kadib Isku Day Afduub Markab

Sheeko:Dalka

Maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dilay 2 burcad badeed ah iyaga oo dhaawacay qaar kale kadib markii burcadda ay isku dayeen in ay xoog ku afduubtaan markab marayey xeebaha Soomaaliya.

Labada la dilay waxaa ay qeyb ka ahaayeen 9 burcad ah kuwaas oo doonayey in ay afduubtaan markab aan magaciisa la shaacin oo marayey xeebaha gacanka Cadan.

Sida uu sheegay Axmed Cabdulahi oo ka tirsan saraakiisha Puntland illaa 6 ka mid ah burcadda ayaa ka badbaaday weerarka, kana cararay goobta.

Sida ay qortay AP, dadka deegaanka Durduri oo ka tirsan Sanaag waxaa ay sheegeen in ay arkeen labo meyd oo burcadda uga tageen meel xeeb ah.

Burcadda ayaa soo laabatay 5 sano kadib

Goobjoog News