U bood dhigaalka

2 Musharrax oo U Gudbay Wareegga 3-aad ee Guddoomiyaha Labaad ee Golaha Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Xildhibaan C/kaafi Macallin Xasan iyo Xildhibaan Mowliid Xuseen Guhaad ayaa iskugu soo haray wareegga Saddexaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare.

Doorashadan oo wareeggii 2-aad ay iskugu soo hareen 4 xildhibaan ayaa cododkii loo kala helay sidan:

Xil.Hodan Maxamed Cusmaan: 8 cod.

Xil. Fartuun Cabduqaadir Faarax: 8 cod.

Xil. Abdikafi Macallin Xasan: 16 cod.

Xil. Mowliid Xuseen Guhad: 20 cod.

Sidaas darteed waxaa loo gudbay wareegga 3-aad oo ay u soo gudbeen Labo xildhibaan ee ugu dhibcaha sarreeya oo kala ah; C/kaafi Macallin Xasan iyo  Mowliid Xuseen Guhaad.

Waxaana hadda bilaabatay doorashada oo si aan kala go’ lahayn u socota.

Goobjoog News