U bood dhigaalka

2 Qof Oo Ku Geeriyootey Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Farlibaax Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey dagaal ka dhacay deegaankaasi, kaasi oo geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha deegaankaasi Maxamed Cumar Cabdi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dagaalkaasi uu u dhaxeeyay ciidanka maamulkooda iyo sidoo kale kuwa Xarakada Al-shabaab.

Waxa uu xaqiijiyey guddoomiyaha in Labo qof ay halkaasi ku geeriyootey, Saddex kalena ay ku dhaawacmeen halkaasi.

Al-shabaab ayuu sheegay in ku dhowaad Saacad ay halkaasi haysteen, ugu dambeyn markii ay baxayeen ay wateen Laba gaari, sidoo kalena ay qafaasheen Saddex haween waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Xilli la hurday oo saqdhexe ah ayeey Al-shabaab soo weerareen deegaanka, waxaa dhintey Labo ruux, Saddex kalena dhaawac ayaa soo gaaray, Labo gaari oo hay’ado leeyihiin horey ayeey u wateen, xaaladda hadda wey deggan tahay iyagiina dib ayeey u laabteen” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka Al-shabaab kama aanay hadal weerarkaan ay ku qaadeen deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan.

Goobjoog News