U bood dhigaalka

2 Ruux Oo Ku Geeriyootey Shil Gaari Oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shil gaari oo sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay ka dhacay wadada 21-ka October ee magaalada Muqdisho.

Gaari nooca xamuulka qaada ah iyo sidoo kale gaaaro NOHA ah ayaa la sheegay iney isku dhaceen, waxaana halkaasi ku dhintey Labo ruux, iyadoo sidoo kale qof kale dhaawac uu soo gaaray.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in Labadan gaari ay si kedis ah isugu dhaceen, waxaana dadka waxyeellada soo gaartay dhammaantood ay saarnaayeen gaariga NOHA-da ah.

Dhaawaca qofka ku dhaawacmay shilkaan ayaa loola cararay mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maamulka degmada Waaberi weli wax war ah kama aanu soo saarin shilkan ka dhacay wadada 21-ka October.

Goobjoog News