U bood dhigaalka

2 Xildhibaan Oo Maanta Lagu Doortay Cadaado

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada aqalka hoose ee maanta ka dhacday magaalada Cadaado ayaa lagu soo doortay labo kursi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Labadaan kursi ayaa waxaa ku tartamay haween oo kale waxaana soo baxay labo kamid ah haweenkii ku tartamayay labadaasi kursi.

Kursiga koowaad waxaa ku tartamayay seddex haween ah oo kala ah Maryan Maxamed Xuseen, Farxiyo Maxamed Xuseen, Ikraan Cabdinuur Cabdullaahi iyo Khadiijo Aadan Cabdi oo aan meesha doorashada ku sugneyn.

Codeynta kadib ayaa waxaa ku guulestay Maryan Maxamed Xuseen oo kursiga ku heshay codad dhan 48 cod.

Kursiga labaad ayaa waxaa maanta Cadaado ku tartamayay isna seddex haween oo kala ah Maryan Xaaji Cabdi Geeddi, Miski Xasan Shidane iyo Yaasmiin Maxamed Cali.

Cadadka markii ay guddigu tiriyeen ayaa waxay ku dhawaaqeen inay kursigii xildhibaannimo ku guuleysatay Maryan Xaaji Cabdi Geeddi oo heshay 48 cod.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in isla gelinka dambe ee maanta lagu dooranayo magaalada Cadaado kuraas kale.

Goobjoog News