U bood dhigaalka

2 Xildhibaan oo Usoo Gudubtay Wareegga 3-aad ee Doorashada Guddoomiye Ku-Xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Abshir Maxamed Axmed iyo Cabdi Axmed Dhuxulow oo u soo gudbay wareegga saddexaad ee doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashadan oo wareeggii 2-aad ay iskugu soo hareen 3 xildhibaan ayaa waxaa cododka loo kala helay sidan:

Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari”: 19

Cabdi Axmed Dhuxulow: 17 Cod.

Maxamed Axmed Maxamuud: 16 cod.

Labada musharrax ee ugu cododka badan ayaa si toos ah ugu soo gudubtay wareegga 3-aad ee ugu dambeya, waxaana soo gudbay xildhibaan Abshir Maxamed Axmed iyo Cabdi Axmed Dhuxulow oo noqday Labada Senetor ee ugu cododka badan.

Wixii faahfaahin ah ee soo kordha kala soco, Goobjoog News.