U bood dhigaalka

20 Ka Tirsan Askarta Mucaaradka Mali Oo La Dilay

Sheeko:Dalka

Ciidamada waddanka Faransiiska oo ku sugan galbeedka qaaradda Africa ayaa waxay sheegeen inay dileen 20 ka tirsan kooxo mucaarad ah oo ku sugan xuduudka ay wadagaan wadamada Mali iyo Burkina Faso.

War kasoo baxay ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada cirka iyo kuwa dhulka ay ka qeyb qaateen hawlgalka lagu dilay kooxahaan mucaaradka ah, balse ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah lagama bixin cidda ay sida rasmiga ah uga tirsan yihiin kooxahaan.

Waddanka Mali ayaa waxaa ku soo laalaabtay weeraro badan kuwaas oo uga imaanayo kooxaha Islaamiyiinta hubaysan, inkastoo waddanka marka ay soo galeen ciidamo ka socda Faranciiska sanadkii 2013 ay magaalooyin badan oo ku yaallo waqooyiga dalkaasi ay ka saareen kooxaha Islaamiyiinta ah.

Bishii December ee sanadkii 2016 kii ayaa waxaa waddanka Mali lagu dilay 12 askari kuwaas oo ku dhintay weerar ay kooxaha hubaysan ay ku qaadeen ciidamo joogay xaduudka ay mali la leeday Burkina Faso.

Waddanka Faranciiska oo isagu horay ugumeystay Mali ayaa waxa uu geeyay ciidamo gaaraya 4kun oo askari si ay ula dagaalamaan kooxaha Islaamiyiinta hubaysan