U bood dhigaalka

20 Qof oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Gobolka Jubada Hoose

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in gobolka Jubada Hoose ay cudurka shuban biyooodka ugu geeriyoodeen 20 qof iyadoo tiro intaa ka badanna ay la il daran yihiin cudurkaasi.

Wasiirka Caafimaadka Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in 20-ka qof ee geeriyootay uu cudurka ku helay degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose, iyadoo sidoo kale Isbitaalka Kismaayo lagu daweynayo 34 qof oo intooda badan laga keenay degmada Jamaame.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in horay Isbitaalka Kismaayo loogu daweeyay dad tiradoodu gaareysay 1895 kuwaasi oo uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka, hase ahaatee waxa uu tilmaamay in cudurkan uu haatan dib usoo Laba kacleeyay.

“Waxaan hadda u aragnaa in Shuban biyoodkan uu dib usoo laabtay waayo hadda degmada Jamaame waxaa ugu dhimatay 20 qof, 34 kalena waxaa lagu daweynayaa Isbitaalka Kismaayo, 8 ka mid ah dadka la daweynayo xaafadaha Kismaayo ayaa laga keenay halka inta kalena Jamaame laga keenay” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Cudurka Shuban Biyoodka ayaa si xowli ah uga jira deegaanno badan oo ka mid ah Jubbaland, hase ahaatee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ay ku dadaali doonaan sidii loo daweyn lahaa dadka uu cudurka soo ritay inta ka bad qabtana looga hortagi lahaa inuu ku dhaco.

Goobjoog News