U bood dhigaalka

20 Qof Oo Ku Geeriyootay Abaaro Ka Jira Mudug Iyo Galgaduud

Sheeko:Dalka

Khasaare naf iyo maal leh  ayaa laga sheegayaa in ay ka dhasheen abaaro ba’an oo ka jira deegaanno ka tirsan Mudug iyo Galgaduud.

Shire Xirsi Maxamud, wasiirka gargaarka maamulka Galmudug ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha ayaa Goobjoog News u sheegay khasaaraha ka dhashay abaaraha halkaasi ka jira

“Xaaladda adag ayey mareysaa, dadkaas waxaa ay isugu yimaadeen magaalooyinka, loomana hayo meelihii ay degi lahaayeen, qaar bannaanka ayey fadhiyaan, qaar dadka ayey ku dhex milmeen, waan qeybinay wixii ka soo gaaray guddiga abaaraha qaranka, dhibaatadana waa jirtaa’

Shrire Xirsi goddoomiyaha guddiga abaaraha Galmudug waxaa uu intaa ku daray in 20 qof illaa hadda ay ku geeriyoodeen abaaraha Mudug iyo Galgaduud, khasaarahana uu intaa ka sii badan karo, in ka badan  20,000 oo xoolo ayuu sheegay sidoo kale in ay baaba’een.

Ugu dambeyntii, waxaa uu Shire Xirsi ka deyriyay khatarta ay abaarta ku heyso iyo in laga yaabo in in xaaladda faraha ka sii baxdo oo geerida badato, waxaa uu dadka muxsiniinta ah iyo hey’adaha caalamiga ah ugu baaqay in ay dadkaasi gargaar la soo gaaraan deeqo iyo gargaar banii’aadnimo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada