U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “Horaanta Sanadka Soo Socda Al-shabaab Waan Ka Saareynaa Jubbaland”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa isag oo ku sugan dalka Kenya waxa uu sheegay in horaanta sanadka soo socda ee 2016-ka ay deegaanada Al-shabaab kaga sugan yihiin gobalada Jubooyinka iyo Gedo ay ka saari doonaan.

Waxa uu sheegay Madoobe in meel gabagaba ah oo uu marayo qorshaha dagaal ee la doonayo in Al-shabaab uga saaraan gobaladaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Horaanta sanadka soo socda Al-shabaab waan ka saareynaa meelaha ay kaga sugan yihiin Jubbaland, waxaa socda diyaar garow xooggan” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka warbixiyay arrinta ku aadan dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya, waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan ay ugu tala galeen in dadka ay dejiyaan meello ay ka mid tahay Raaskambooni, Kismaayo iyo deegaanno kale.

Waxa uu tilmaamay in marka hore ay taasi ka horreyso in la helo nabad galyadii dadkaasi lagu dejin lahaa, loo sii diyaariyo waxbarashadii, deegaanka, caafimaadka iyo sidoo kale biyahii.

Waxaa socda qorshe ballaaran oo la doonayo in dib loogu soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya, gaar ahaan kuwa diyaarka u ah in dalka ay dib ugu soo laabtaan.

Goobjoog News