U bood dhigaalka

2017: ICRC-da Oo Soo Bandhigtay Sida Ay U Caawisay 2.3 Milyan Oo Soomaali Ah

Sheeko:Dalka

Hey’adda ICRC-da ayaa waxaa ay ka mid ah hey’adaha Soomaalida gar-gaarayey 35tii sano ee la soo dhaafay, iyada oo wax badan ka qabatay arrimaha banii’aadnimada.

Hadaba, qoraal ay soo saartay hey’addan waxaa ay sheegeysaa in sanadkii tagay ay ka qeyb-qaadatay caawinta dadka ay waxyeellada ka soo gaartay abaarta iyo dagaallada ee ku nool gudaha Soomaaliya,  illaa 2.3 million oo Soomaali ah ayaa waxaa ay gaarsiisay caawimaad, dadkaasi oo 1.3 ka mid ah la siiyay lacag, cunto iyo qalbaka guryaha, waxaa kale oo ay daaweeyeen xoolaha.

Qoraalka waxaa ku jiray illaa 480,000 oo qof ay heleen daawo, 700,000 oo helay biyo nadiif ah, waxaa kale oo ay booqdeen illaa 43 goob oo dadka lagu xiro.

Shaqada oo Dhameystiran:

Dhaqaale  ama qarash waxaa ay siiyeen  581,600 oo qof, dadkaasi waxaa ay heleen lacag kaash ah, lacag lagu shaqeeyo iyo deeqo lacageed.

Dadka la siiyay cunto iyo qalab guriga waa  624,300 oo qof.

Dad gaaraya illaa 71,300 oo  qof ayaa dhambaal  waxaa is-dhaafsadeen dad kala maqan.

Adeegga caafimaad ee ICRC  waxaa ka faa’ideystay in ka badan  410,800 oo qof.

Dadka biyo nadiif ah helay ama ceelal loo qoday waxaa ay gaareen illaa 295,000 oo qof.

Maxaabiis gaareysa illaa 2,700 qof ayey hubiyeen in ay loola dhaqmo si sharaf iyo banii’aadnimo ku jirto.

Goobjoog News