U bood dhigaalka

2018: 2.7 million Oo Soomaali Ah Ayaa Caawin U Baahan

Sheeko:Dalka

Sanadkan bilowgiisa,  waxaa soo roonaadey qaabka quudinta iyo cunto helista, waxaa kale oo yaraaday khatarta gaajada, sababta waxaa lagu sheegay gar-gaarka banii’aadamnimada ee la helay iyo dalaggii deyrta oo soo go’ay.

Gobollada dhibaatada ugu badan ay ka jiraan waa kuwa koonfurta iyo bartamaha sida Baay, Hiiraan, Mudug iyo  Galgaduud iyo gobolada dhawnka waqooyi sida Sanaag iyo Sool, goobahan waxaa la sheegayaa in 30-45% dadka ay khatar ugu jiraan gaajo iyo macluul daran.

Abaartii sanadkii hore, waxaa la sheegayaa qeybtiisa dambe ay barakaceen 190 000  marka la bar-bar-dhigo qeybtiisa hore oo ahaa 649 000 halka dadka sanadkan dhibaateysan lagu qiyaasay 2.7 million.

Hay’adaha gar-gaarka waxaa ay codsadeen in ay helaan lacag dhan ah1.5 Bilyan oo Dollar si arrinkan wax looga qabto.

Goobjoog News