U bood dhigaalka

2018: Isbedello Waa Weyn Iyo Xasarado Siyaasadeed Ee Hareeyey Dowladnimada Soomaaliya!

Sheeko:Dalka

Sanadkan dhammaadka ah ee 2018-ka, waxaa dadweyanaha Soomaaliyeed ku dul hogtay qalalaase siyaasadeed oo u dhaxeeya hoggaanka dowladda dhexe, dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, qalalaasahaas waxaa uu xasillooni-darro siyaasadeed ka abuuray hey’adaha dowliga ah ee federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana hakad galay shaqooyin la qaban lahaa, sida ay qirteen hey’ado uu ku jiro golaha shacabka, guddoomiye Mursal iyo xildhibaannada ayaa sidaasi ku sheegay kulankoodii sabtidii!!

 Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda dib u xusuusineysaa dhacdooyinka siyaasadeed, xasaradihii iyo amni  darradii dhacday sanadkan 2018-ka:-.

1. Amni-darrada: 2018-ka waxaa magaalada Muqdisho keliya ka dhacay ilaa 13 qarax oo ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen 123 qof iyo 140 dhaawac ah , qaraxyada gawaarida dhejiska ah ee Muqdisho ka dhacay waxaa ay gaarayaan ilaa 36 gaari, waxaa ku dhimatay 37 iyo dhaawac oo 50 qof ah. Dhinaca kale waxaa sidoo kale jiray Mareykanka oo geystay 39 duqeyn, sheegtayna inuu dilay 676-qof,  halka Al-shabaab sheegatay in AMISOM iyo ciidamada kale ka dileen 285, waxaa kale oo badnaa dadka ku dhintay miinooyinka iyo dilalka tooska ah oo shaqaale dowladeed, ergo iyo dad caadi ah ku jireen….guud ahaan waxaa la diiwaan-geliyey  sanadkan 2018-ka dhimashada 1,643 iyo dhaawaca 570 qof!!

2. Isbeddalka Laamaha Amniga: Dowladda madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo  waxa ay sannadkan gudihiisa isbeddal ku sameeysay dhammaan hoggaanka ciidanka qalabka Sida; Nabadsugida (NISA), Asluubta, Booliiska, taliyaha xoogga iyo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka.  Xoogga dalka August 16, 2018 waxaa loo magacaabay Sareeye Gaas Daahir Indha Qarshe, Abaanduulaha S/Guuto Odowaa Yusuf ayaa la magacaabay isla August 2018, Booliiska February 19, 2018 ayey aheyd markii taliye loo magacaabahay Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubtana loo dhiibay February Bashiir Goobe  halka NISA taliyaheedii Xuseen Cusmaan oo la magacaabay February sanadkan uu tagay October 2018, oo hadda NISA 3 bil waa hoggaan la’aan!

3. Isku shaandheynta iyo wax ka Bedadelka Xukuumadda 2018: Sanadi 2018 ka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre  waxa uu shaqada ka diray 20 wasiir oo qaarkood ay is-casileen halka kuwo  kalena shaqada laga diray. Wasaaradaha isbedelku saameeyey ayaa kala ahaa: Arrimaha dibadda, warshadaha, arrimaha gudaha, warfaafinta, gaashaandhigga, tamarta, wasiir ku-xigeenka Boostada iyo isgaarsiinta, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, wasiiru dowlaha warfaafinta, arrimaha dibadda howlaha guud, diinta iyo awqaafta, waxbarashada, xanaanada xoolaha, kaluumesiga, wasiiru dowlaha madaxtooyada, wasiir ku-xigeenka shaqada iyo shaqaalaha, Tamarta iyo wasiirka howlaha guud

4. Xil Ka Qaadistii guddoomiyihii hore gobolka Banaadair Thaabit Cabdi: xil ka qaadista Thabit waxay dhacday January 21, 2018, waxaa ay ka dambeysay arrimo la xiriira awoodda iyo maqaamka Muqdisho, xilkiisa waxaa lagu badalay oo noqday gudoomiyaha gobolka  wasiirkii warfaafinta xakuumadda Xasan Cali Kheyre Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow. Thabit oo ka jawaabay ceyrintiisa waxaa uu sababta ku sheegay labo arrin: Xasiloonida iyo nabad-galyada gobolka Banaadir iyo shirkii nabadeynta iyo horumarinta gobolka Banaadir!

5. Is-casilaadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka: 9 Bishii April 2018 waxaa xilka ka tagay guddoomiyihii golaha shacabka kadib markii ay is qabteen laanta fulinta ee dowladda Soomaaliya. Jawaari oo shir jaraa’id la qabtay madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay inuu u tanaasulay isaga oo intaasi raaciyay“ha lakala roonaado”, shacabkana loo naxo iyo in aaney dhicin faragelin shisheeye!!

6. Isbeddallada Garsoorka: Sanadkii 2018 Farmaajo waxa uu xilka qaaday guddoomiyaha maxkamadda sare iyo dhammaan garsoorayaasha maxkamadaha, waxaa kale ee uu  xilka ka qaadis ku sameeyay guddoomiyaha maxkammadaha gobolka Banaadir iyo racfaanka Gobolka Banaadir. Dadka la magacaabay waxaa ka mid ahaa: Baashe Yuusuf, guddoomiyaha maxkamadda sare(May 27, 2018), Muuse Macalin, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir(July 14, 2018), Abshir Cumar Cabdullahi, guddoomiyaha maxkamadda racfaafnta(July 14, 2018), waxaa kale oo la magacaabay 9 garsoore oo maxkamadda sare iyo guddoomiyeaal maxkamadaha gobolka Banaadir, waxaa arrintaasi ka hor yimid kutladda Badbaado Qaran!!

7. Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnha Ka ah : Sanadkii 2018 ma jirin wax wadashaqeyn ah oo ka dhexeeyay dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah. Qoraal ay soo saareen September 8, 2018 waxaa ay sabab uga dhigeen inay dowladda federaalka ah ku guul-dareysatay amniga, barnaamijka dhismaha amniga qaranka, dhaqaalihii amniga oo loo leexiyey siyaasadda, wiiqidda hey’adaha dastuuriga ah, dhaqaale lagu bixinayo baarlamaanka dowlad goboleedyada, in deeqa iyo dakhliga lagu bixiyo burburinta hannaanka federaalka ah, in golaha ka quustay in dowladda federaalka ah meel-mariso heshiisyada…haddaba golaha waxaa uu sheegay in ay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka ah!

8. Muranka ka Dhashay Maareynta Deeqaha Somaliland ay Dunidu siiso: wasiirka qorsheynta xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saaray warqad deeq bixiyeyaasha looga codsanayey in aan dib loo cusboonaysiin macaamilka gaarka ah ee beesha caalamku siiso Somaliland sida ku xusan heshiiska “New Deal”. Iyada oo isla markaa ay ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare ku xigeenka warqad lid ku ah taa oo sheegaysa in Somaliland ay beesha caalanku kula sii macaamisho si gooni ah. Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Dr. Saacid Cali Shire ayaa sheegay inay u madaxbannaan yihiin heshiisyada ay la galaan caalamka isaga oo intaasi raaciyey in Soomaaliya aaney go’aan ka gaari karin deeqo ay dalal kale bixiyaan!!

9. Muranka ka dhashay Is-af-garadka Madaxweynayaasha Soomaaliya, Ra’iisal wasaaraha itoobiya iyo madaxweynaha Eratareeya

  • Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Ethoipia:16kii bisha june 2018 waxaa booqasho maalin ah dalka ku yimid Abiy Ahmed ra’iisul wasaaraha Ethoipia waxayna madaxweynaha Soomaaliya isla soo saareen war murtiyeed sheegaya in Ethiopia Ay Soomaaliya ka maal gashato 4 dekad, Taasina waxa ay muran weyn ka dhex dhalisay siyaasiyiinta shaki ballaarana ku beertay Soomaali inteeda badan.
  • Is-dhexgalka Geeska Afrika: Kulankii Asmara ee madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaare Abiy iyo madaxweyne Afwerki ee September 5-6 waxaa lagu gaaray heshiis 4 qodob oo ii iskaashi ah, waxaa xigay midkii Itoobiya ee Gondar ee November 10, 2018,  heshiiskaa ama is-af-garadkaas midna la ma keenin baarlamaanka federaalka madaxweynuhuna warbixin kama siin warbahinta madaxabannaan iyo dadweynaha taasina waxa ay dhalisay su’aallo waaweyn oo la xiriira amniga, gobanimadda iyo madaxbannaanida Jamhuuriyda Soomaaliyeed.

10. Xil ka ridistii Madaxweynaha Koonfur Galbeed: 7-da Nofember 2018 waxay xilka iyo musharaxnimadii si lama huraan ah isaga tegay madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan kadib markii uu cadaadis iyo culeys kala kulmay dhanka dawlada federaalka sida ay sheegeen xildhibaano iyo mas’uuliyiin maamula Koonfur Galbeed ku metala labada heer Federaalka.

11. Faragelinta Doorashada Koonfur Galbeed: kadib markii uu meesha ka baxay madaxweynihii hore ee koonfur galbeed Shariif Xasan Shiekh Aadan xukuummadda Xasan Cali Kheyre waxay dib u celisay xildhibaanadii koonfur galbeed waxana Baydhabo geysay ciidan aminiga suga oo hor leh taas oo keenay in ay is-casilaan qaar ka mid ah guddiga doorashada. Xildhibaannada federaalka ah ee ka soo jeeda koonfur galbeed waxaa ay dowladda federaalka ah ku eedeeyeen faro-gelin, dhankooda golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war-murtiyeed ay soo saareen waxaa lagu sheegay in Villa Somalia ay faragelin qaawan ku heyso doorashada koonfur galbeed, cambaareeyana siyaasadda dowladda dhexe ee kala qeybinta shacabka, baarlamaanka iyo xukuumadda koonfur galbeed, iyaga oo ka digay in wax kasta oo ka soo baxa doorashadaas, oo aan loo marin hannaanka saxda ah aaney aqoonsan-doonin dadka reer koonfur galbeed.

12. Xariga Mukhtar Roobow: December 13, 2018 dowladda Soomaaliya oo gacan ka heleysan ciidanka Ethoipia ee ku sugan Baydhabo ayaa xidhay musharax madaxweyne Mukhtar Roobow Cali oo horay hogaamiye ku xigeen uga soo noqday xarakadda Al-Shabaab kadibana waxaa loo soo qaaday Muqdisho, xadhiga Rooboow waxa uu sababay in Baydhabo ay kadhacaan banaabaxyo khalalaase wata oo keenay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, dadka dhintay waxaa ku jiray xildhibaano koonfur galbeed ah. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo qoraal soo saaray waxaa ay ku sheegeen “In ladaayo dadka sida sharcidarada ah loogu xiray iyagoo gudanaya Xuquuqdooda Dastuiriga ee u fasaxaayo Dastuurka JFS, waxaa kale oo inuu tartamo qoraal ku codsaday guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal.

13. Kala Diristii Guddiga Miisaaniyadda Golaha Shacabka: 28 ka nofember 2018 guudoomiye ku xigeenka golaha shacabka ayaa warqad uu soo saaray ku kala diray Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka ka dib markii ay xukuummadu qoonsatay warbixin maaliyadeed ay u soo gudbiyeen guddoonka golaha shacabka, unna ku kala jabay guddiga dhexdiisa markii fadhiga golaha la horkeenay warbixinta si aan waafaqsaneyn xeer hoosaadka golaha shacabka. Muudeey waxaa uu u sababeeyey kala dirista ku xad-gudub xeer hoosaadka, khilaaf ka dhex jira guddiga, uuna kala tashtay guddoonka

14. Go’aankii Dowladda Soomaaliya ee Khilaafka Sacuudiga iyo Turkiga: Dowladda federaalka ah ayaa xaalad walbo taageero u muujisa dowladda Sacuudiga, August 7, 2018 waxaa la soo saaray qoraal Sacuudiga lagu taageeray kadib markii ay is qabteen Canada iyo boqortooyadu arrima la xadhiidha xaquuqul insaanka iyo xoriyad hadalka, Khilaafkii u dhexeeyay Boqortooyada sacuudiga iyo Dowladda Turkey ee ka dhashay dilkii wariyaha caanka ahaa Jamaal Khashoggi, October 15, 2018 dowladda Soomaaliya waxay la safatay dalka Sacuudiga. Mid ka mid ah qoraalka ay dowladdu soo saartay waxaa uu u qornaa ““Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale” .

15. Soojeedinta  Xil ka Qaadista Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo: 9-kii December 2018 Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa qabtay mooshin dalabkiisu yahay xilka ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya. Ka dib waxaa ka dhashay Khilaafka Guddoonka Golaha Shacabka iyo Laanta Fulinta: Kadib markii uu guddoomiyaha golaha shacabka sheegay inuu qabtay hindisaha xil ka qaadista madaxweynaha waxaa ka soo horjeestay labadiisa ku xigeen, waxaana ka dhashay in guddoomiyuhu ka guuro hooygii uu ka daganaa madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu cadaadis kala kulmay laanta fullinta dowladda Soomaaliya.

16. Xuriyaadda cabirka Ra’yiga: shir jaraa’id ee uu qabtay xoghayaha golaha saxaafadda Soomaaliya Macalimow November 16, waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka ah la dagaalanka xoriyatul qowlka, taasi oo ka hor imaaneysa dastuurka KMG ah iyo dhammaan shuruucda dalka, isaga oo yiri “Xukuumadda Kheyre Waxaa ay Weriyeyaashii Ka Dhigtay Mid Loo Hanjabo Iyo Mid La Laaluusho.

Ugu dambeyntii, arrimaha kale sanadkan la xusi karo waxaa ka mid ahaa dagaal beeleeyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay meelo badan oo dalka ah, Galmudug oo kala jabtay, majirto hay’ad dowli ah oo iska xil saartay diiwaan gelinta dadka naftooda kuwaaya qaraxyada, colaadaha  iyo  musiibooyinka kale, qofkana waxaa xasuusta oo kaliya ehelkii uu ka baxay.

Goobjoog News