U bood dhigaalka

2018: Soomaaliya Kaalintee Uga Jirtaa “Xoriyadda Adduunka”

Sheeko:Dalka

Mu’asasada “Freedom House” ayaa Talaadadii soo saartay Tilmaamaha xoriyadda Adduunka ee 2018, kaas oo lagu qiyaaso heerka xoriyadda 210 dowladood oo dunida ka tirsan.

Sanadkan waxa ugu sarreeya saddex dowladood ee Scandinavian-ka ah, Norway, Sweden iyo Finland, waxaana ugu hooseeya Dalka Suuriya.

Hab Qiimeynta ee hal-beegga

Halbeeggan ayaa dowlad kasta waxaa laga eegaa Labo arrimood aasaasi ah oo kala ah: Xuquuqda Siyaasadeed iyo xoriyaadka madaniga ah, iyadoo halbeeg kasta lagu bixinayo darajo u dhaxaysa eber illaa 7, kadibna lagu qiimeynayo 0-100 dowlad kasta oo daraasad lagu sameynayo. 100 waxaa la siiyaa dowladda ugu xoriyadda badan iyo mar kasta oo dowalddu darajada ay heshaa u dhawaado 100.

Natiijooyinka Guud

Saddex qeybood ayaa xoriyadaha dowaladaha ka jira loo qeybiyay: Xor ah, xoriyad qabyo ah, xoriyad la’aan.

Waxaa dowlado xor ah noqday 45% dowladood oo matala 39% dadyowga dunida, halka xoriyad qabyo ah ay heleen 30% oo matala 24% dadyowga dunida, halka xoriyad la’aan ay yihiin 25% oo matala 37% dadyoga dunida.

Tilmaamaha ayaa sanadkan waxa uu sheegay in xoriyaddu ay 12 kii sano ee lasoo dhaafay hoos u sii dhacayso, xuuqda siyaasiga ah iyo tan xoriyadda madaniga ah waxay hoos u dhacday 71 dowladood, waxay xaaladdu kasoo xagaagtay 35 dowladood. waxaana warbixinta lagu sheegay in sanadkii 2017 ay dimuqraadiyaddu ugu xumeyd iyadoo ay hoos u dhaceen tiirarkii ay ku taagenayd ee doorashooyinka hufan, xuquuqda dadka laga tiro badan yahay, xoriyadda warbaahinta iyo sarreynta sharciga.

Dalalka Ugu Xoriyadda Wanaagsan Dunida

 

Dalalka ugu Xoriyadda Hooseeya Adduunka

Si kastaba, sanadkii tagay ee 2017 ayaa Soomaaliya ay tilmaamaha ka heshay 5 darajo oo qura, halka sanadkan 2018 ay heshay 7 darajo, arrintaas oo tilmaamaysa in sare u kac laba darajo ah uu jiro.