U bood dhigaalka

2019: Soomaaliya oo Noqotey Dalalka Ugu Musuqa Badan Markii 13-naad

Sheeko:Dalka

Inkasta oo maamulka Farmaajo uu mar weliba  sheego horumar laga gaaray dhanka maaliyadda,  isla xisaabtanka iyo dib u habeynta hey’adaha dhaqaalaha, xiriir wanaagsanna uu kala dhaxeeyo hey’adda IMF-ta iyo bangiga adduunka, hadana taasi kama saarin liiska ugu hooseeya musuqa adduunka ee 2019-ka. Waa sanadkii 3-aad ee maamulkiisu noqdo kan ugu musuqa badan dunida.

Transparency International, oo soo saartay warbixinteeda 2019, kana sameysay ilaa 180 dal oo caalamka ah,  Soomaaliya waa dalka 180-naad, dalka ugu liita ama ugu hooseeya liiska,  oo waxaa ay heshay 9 dhibic ee 100-ka dhibici ee cabirka CPA.

Sanadkii tagay waxaa ay Soomaaliya aheyd sidoo kale dalka ugu liita musuqa laakin dhibcaha ay heysatay waxaa uu ahaa 10/100 laakin sanadkan hoos ayey uga dhaceen oo waa 9 dhibic.

Hey’addan waxaa ay la yaabtay madaxda Afrika oo qaarkood afka ka sheega ladagaalanka musuqa amaba kursiga kuyimid oo hadana iyagii ceebta dhex fadhiya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo markii xafiiska qabanayey waxaa uu xildhibaannada hortooda ka balanqaaday in Soomaaliya ay noqon doonto sida Denmark, laakin 3 sano kadib waxaa uu dhex jiifaa ceebtii uu ka sheekeynayey.

Khudbadda Murashax Farmaajo 2017:  “Musuqmaasuqa waa cadowga  siyaasadda cadowga dowladeed waaye  sida shabaabka ay cadowga shacabka u yihiin yaana musuqmaasuqa u yahay cadowga horumarka  waxaa laba bil ka hor ay soo saareen  waxaa la soo saaray inaan nahay waddanka ugu musuq maasuqa badan  aduunka  176 baan uga jirnaa, waddanka ugu horreeyana waa Denmark,  maxaa noo diiday inaan Denmark latartano?  maxaan ugu jirnaa inaan noqono dadka ugu xun dunida?  illeen musuqmaasuq micnaheedu waa tuug  diinteena ma ogola  dad islaam ah ayaan nahay ,maxaa nagaarsiiyay inuu aduunka nala yaabo  ay yiraahadaan dadkaan  bani aadam maahaan .

“Walaalayaaloow mudanayaal iyo marwooyin hadaad idoorataan musuqmaasuqeyga musuqmaasuqa waa beegsigeyga ugu horreeya  waa la dagaalamaynaa  si fool xunna waan ula dagaalamaynaa  qofkii hantida qaranka ku takri fala  umaddana waan ku ceebaynaynaa  xabsi dheerna waan u diraynaa “.

Transparency International, waxaa ay ku talineysaa mar haddii doorasho la aadayo 2020-ka in Soomaaliya ay hirgeliso barnaamij isla xisaabtan oo dhab ah.

Dhanka kale, 32 ayey 100 ka keeneen dalalalka saxaraha ka hooseeya. Dalalka ugu hooseeya waxaa kale oo ka mid ah Koonfurta Suudaan, Yemen.

W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News