U bood dhigaalka

Madaxweynaha Kenya oo Xubno Kamid ah Mucaaradka u Magacaabay Wasiirro

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa magacaabay afar xubnood oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn dalka Kenya, si ay qeyb uga noqdaan golaha wasiirada cusub, xilli ay weli socdaan dibadbaxyada gilgilay dalka oo dhan.

Ruto ayaa ku dhawaaqay xubnaha la magacaabay isagoo khudbad u jeedinayay dadweynaha, isaga oo balan qaaday in uu soo magacaabi doono gole wasiiro oo cusub si uu uga jawaabo sii socoshada mudaaharaadyada oo halis ku ah in uu xukunka sii hayo.

Ku dhawaaqista ayaa timid labo todobaad ka dib markii Ruto uu meesha ka saaray golihii wasiirada ee hore, iyadoo dibadbaxyada ay sababtay canshuur kordhin la qorsheeyay ay dalkoo dhan, islamarkaana uu khasaare baaxad lihi ka ka dhashay.

Wasiirrada uu magacaabay madaxweyne Ruto ayaa waxaa kamida John Mbadi Ngo’ongo oo hogaamin doona wasaarada maaliyada, halka James Opiyo Wandayi loo magacaabay wasiirka tamarta.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid uu madaxweynuhu ku doonayo inuu ku qaboojiyo bannaanbaxyada weli ka socda dalka, kuwaas oo markii hore ka dhashay qorshe ay dowladdu ku doonaysay inay canshuur cusub ku soo kordhiso, balse markii dambe jaantaa rogan noqday.