In ka badan saddex toddobaad ayaa laga joogaa xilligii lagu dhawaaqay heshiiska xabbad joojinta ah ee Marinka Qasa, kaas oo sababay nabad aan caga adag ku taagnayn oo fududaysay in dadka qaar ay guryohooda ku noqdaan iyo in gargaarka bini’aadanimo uu galo Qasa.
Hadda xilligan ayaa laga cabsi qabaa in xabbad joojintaasi ay burburto, ayadoo labada dhinac midba midka kale ku eedeynayo inuu ku xadgudbay qodobadii heshiiska.
Ciidamada Israa’iil ayaa lagu eedeeyey inay is hortaageen in dadka ku nool waqooyiga marinka Qasa ay guryahooda ku noqdaan, sidoo kalena ay meelaha qaar rasaas ka ridayaan.




From the comments