Xalay fiidkii ayaa labo duqeyn oo cirka ah ayaa laga fuliyey deegaanka Sheebaab ee Buuraha Calmiskaad, halkaas oo lagu dilay in ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish (ISIS).
Sida wararku sheegayaan, inta badan dadka la dilay waxay ahaayeen ajaaniib ku sugnaa goobta la weeraray.
Duqeyntan ayaa sidoo kale burburisay gaari sahay u siday kooxda, taasoo sii wiiqday awooddooda dagaal ee gobolka.




From the comments