Dowladda Sacuudiga oo Kafaalo Qaadday Xujeyda Reer Iiraan inta Xaaladda dalkooda ay ka degayso

Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa qaaday tallaabo bani’aadannimo oo dhif iyo naadir ah, kadib markii ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay kafaalo qaadday dhammaan xujeyda ka soo jeeda dalka Iiraan ee sanadkan u yimid gudashada waajibaadka Xajka, xilli dalkooda ay ka jirto xaalad murugsan oo dhanka ammaanka iyo siyaasadda ah.
Go’aankan ayaa yimid kadib markay soo baxeen warar muujinaya in dagaallo culus iyo duqeymaha Israa’iil ka wadda dalkaasi taasoo suurtagal ka dhigtay in muwaadiniinta dalkaasi aanay dib ugu laaban karin si nabad ah muddo dhow.
In ka badan 70,000 xujey Iiraaniyiin ah ayaa sanadkan ka qaybgalay gudashada Xajka ee ka socda magaalada barakeysan ee Makka. Balse xaalada siyaasadeed ee kacsan ee ka taagan Iiraan ayaa abuurtay cabsi ballaaran oo ku saabsan badqabka dadkaasi marka ay dib ugu noqdaan dalkooda.
Wasiirka Xajka ee Sacuudiga, Dr. Tawfiq Al-Rabiah, ayaa sheegay in Boqortooyada ay:
Si kumeel gaar ah u dejin doonto xujeyda Reer Iiraan meelaha ugu nabdoon ee dalka gudihiisa.
Ay siin doonto daryeel caafimaad, hoy iyo cunto intii xaaladoodu caga dhigeyso.
La shaqayn doonto hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay si xal waara loogu helo xujeydan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa sidoo kale la xiriiray safiirrada waddamada Islaamka, isagoo ku boorriyay in ay muujiyaan midnimo iyo isgarab taag bani’aadannimo.
Go’aanka Sacuudiga ayaa waxaa si weyn u bogaadiyay hay’adaha caalamiga ah iyo waddamada Islaamka. Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa sheegay in Sacuudiga uu muujiyay “mas’uuliyad weyn oo ah ilaalinta sharafta iyo badbaadada xujeyda Muslimiinta meel kasta oo ay ka yimaadeen.”