𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼 𝗼𝗼 𝘀𝗶 𝗿𝗮𝘀𝗺𝗶 𝗮𝗵 𝗹𝗼𝗼𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗼𝘄𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆 𝗔𝗱𝗱𝗶𝘀 𝗔𝗯𝗮𝗯𝗮
Sheeko:War
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah ugu soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, taasoo ah safarkiisii ugu horreeyay ee dibadeed tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.
Cirro waxaa garoonka Bole International Airport kusoo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timotheos, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.
Safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka siyaasadeed iyo kan ganacsi ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo la filayo inuu kulammo la yeesho madaxda ugu sarreysa dalkaas.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in ajandaha safarka uu diiradda saarayo iskaashi dhinacyada amaanka, ganacsiga, iyo isgaarsiinta.