U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay cabashada Shaqaalaha Garoonka

Sheeko:War

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan muhiim ah oo uu guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu xalinayay cabashooyinka ay soo jeediyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Kulanka oo uu wasiirku la yeeshay masuuliyiin sare oo ka tirsan wasaaraddiisa, maamulka garoonka iyo wafdi shaqaale ah oo cabashada watay, ayaa lagu falanqeeyay arrimo la xiriira shaqooyinka iyo tabashooyinka shaqaalaha.

Intii uu kulanku socday, waxaa si faahfaahsan loo dhageystay cabashooyinka shaqaalaha, iyadoo ugu dambeyn la gaaray heshiis lagu sheegay in si degdeg ah wax looga qaban doono dhammaan qodobada ay shaqaaluhu cabashada ka muujiyeen.

Go’aannada laga gaaray kulanka waxaa ka mid ahaa:

In maamulka shirkadda maamusha garoonka lagu wargeliyo in ay degdeg uga jawaabaan cabashooyinka shaqaalaha.

In mustaqbalka aan la ogolaan doonin in mar kale ay dhacaan cabashooyin noocaan oo kale ah iyadoo la furayo waddooyin rasmi ah oo shaqaalaha u gudbiyaan tabashadooda.