U bood dhigaalka

WAR DEG DEG: Eritrea oo si buuxda uga baxday Urur-Goboleedka IGAD

Sheeko:War

Dowladda Eritrea ayaa maanta ku dhawaaqday in ay si rasmi ah uga baxday Urur-Goboleedka IGAD, kaddib markii ay ku eedeysay ururka “in uusan ka dhabeyn ujeedadii loo aas-aasey” isla markaana uu noqday “mid aan ka shaqeynin danaha guud ee gobolka.”

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Eritrea ayaa lagu sheegay in IGAD uu noqday urur ay “saameyn ku yeesheen dano gaar ah iyo xulufo siyaasadeed,” ayna ka maqan tahay dhexdhexaadintii looga baahnaa.

Go’aankani wuxuu imaanayaa iyadoo xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ay maalmihii dambe kor u sii kacaysay, labada dowladoodna ay bilaabeen cod-karadis iyo isku xulufeysi ay ka raadinayaan dalalka IGAD.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Asmara ay lumisay taageeradii dalal badan oo ka tirsan IGAD, taas oo sare u qaaday go’aanka aan caadiga ahayn ee ay ku joojisay xubinnimadeeda.

Eritrea waxay mar kale xubin ka noqotay IGAD June 2023, kaddib markii Itoobiya ay heshiis hor leh la gashay, balse xiriirka labada dal ayaa tan iyo xilligaas sii xumaaday.

Diplomaasiyiin ka tirsan gobolka ayaa ka digay in xiisadda Addis Ababa iyo Asmara ay u gudbi karto dagaal buuxa, maadaama labada dhinac ay dhaqdhaqaaqyo militari oo is-miisaamaya sameynayaan.

Wixii kusoo kordha kala soco…