Safaaradda Shiinaha oo Shaacisay in si Nabad ah lagu soo Furay Markab Kalluumeysi oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya
Safaaradda Shiinaha ayaa soo saartay qoraal rasmi ah oo ay ku shaacinayso in si guul leh loo soo furtay markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalkooda, kaas oo ay kooxo hubeysan ku afduubteen biyaha u dhow xeebaha maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Markabkan iyo shaqaalihii la socday ayaa xorriyadooda dib u helay 2-dii bishan Maarso, ka dib dadaallo ay sameeyeen dhinacyada ay khuseysay.
Dowladda Shiinaha ayaa si kulul u cambaareysay falkaan afduubka ah, iyadoo ku tilmaamtay mid khatar ku ah amniga socdaalka badda iyo badqabka muwaadiniinteeda.
Intii ay dhibaatadu jirtay, Shiinaha wuxuu xiriir iyo wadatashi dhow la lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Dhinaca Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in maraakiibta Shiinaha ee halkaas ka kalluumeysta ay haystaan oggolaansho sharci ah, ayna u hoggaansan yihiin qawaaniinta dalka.
Ugu dambeyntii, labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo iskaashiga dhinacyada badan leh, gaar ahaan horumarinta kheyraadka badda oo faa’iido weyn u leh shacabka labada dal.
Shiinaha ayaa ballan-qaaday inuu sii wadi doono ka shaqeynta amniga muwaadiniintiisa iyo shirkadaheeda ku sugan dibadda, isagoo la kaashanaya saaxiibadiisa caalamiga ah.