U bood dhigaalka

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Qaadacay Wax-ka-beddelka Dastuurka

​Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si adag u naqdiyey habka loo maray wax-ka-beddelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay tallaabo si cad u jebinaysa habraacyada dastuuriga ah iyo xeer-hoosaadka Baarlamaanka.

Goluhu wuxuu ku dooday inaan la helin aqlabiyaddii loo baahnaa ee laba-meelood saddex (2/3) ee labada Aqal, taasina ay ka dhigayso ansixintaas mid aan sharci ahayn.

Waxay ku adkeeyeen in dastuurku yahay heshiis bulsho oo saldhig u ah dowladnimada, loona baahan yahay wadatashi dadweyne oo macno leh intii lagu beddeli lahaa rabitaan koox yar iyo dano siyaasadeed.

​Dhanka kale, Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey eedeymo la xiriira cadaadis siyaasadeed, qarda-jeex, iyo cod-iibsasho oo harreeyey hannaanka ansixinta, taas oo ay sheegeen inay dhaawacayso kalsoonida hay’adaha sharci-dejinta.

Waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay si cad u muujiyaan mowqifkooda ku aaddan jebinta dastuurka, iyagoo hoosta ka xariiqay in aamusnaantu ay tahay oggolaansho dadban.

Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu caddeeyey inay weli aqoonsan yihiin Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee 2012 inuu yahay saldhigga midnimada dalka iyo nidaamka doorashooyinka ilaa laga helayo heshiis qaran oo dhab ah.