Dawladda Soomaaliya oo war ka soo saartay sare u kaca Qiimaha shidaalka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ee dalka, iyadoo ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed inaysan muwaadiniinta ku kordhin qiimo ka badan inta ay xaqa u leeyihiin.
Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiwahaab Cabdi Cumar (Caanuug), ayaa sheegay in dowladdu la hadashay ganacsatada shidaalka, isla markaana ay ka codsatay inaysan shacabka dul saarin culays dhaqaale oo dheeraad ah.
“Ganacsatada waxaan ka codsanay inaysan muwaadiniinta dul saarin wax ka badan inta ay xaqqa u leeyihiin,” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenku.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ganacsatada qaarkood ay dowladda u sheegeen in helitaanka shidaalka uu caqabad noqday, taas oo qayb ka ah sababaha keentay kororka qiimaha.
Si kastaba ha ahaatee, Dawladda ayaa caddeysay in ay kaalin ka qaadan doonto sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira, loona fududeyn lahaa culaysyada saaran ganacsatada iyo shacabka.