Goobjoog

Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka oo Ka Dooday Hindise-sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho, 20-ka Oktoobar 2026 — Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday qodobbada iyo muhiimadda Hindise-sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Kulanka oo…

Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka oo Ka Dooday Hindise-sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho, 20-ka Oktoobar 2026 — Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday qodobbada iyo muhiimadda Hindise-sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka ahna ku-simaha Guddoomiyaha guddiga, Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey).

Intii uu kulanku socday, xubnaha guddiga ayaa falanqeeyay qodobbada hindise-sharciyeedka, iyagoo diiradda saaray muhiimaddiisa iyo sidii diyaarintiisu ula jaanqaadi lahayd habraacyada sharci-dejinta dalka.

Guddoomiye Ku-xigeenka guddiga, Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye, oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in dood iyo falanqeyn dheer kaddib ay xubnaha guddigu isku raaceen in la sii wado ka shaqeynta hindise-sharciyeedka.

Wuxuu xusay in xoogga la saarayo dhammaystirka diyaarinta hindise-sharciyeedka iyo sii ambaqaadista howlaha la xiriira.

Hindise-sharciyeedkan ayaa ka mid ah arrimaha sharci-dejinta ee ay gacanta ku hayaan guddiyada Golaha Shacabka, iyadoo guddiga ay sii wadi doonaan ka shaqeyntiisa si loo dhammaystiro diyaarintiisa.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments