U bood dhigaalka

21 Qof Oo Ku Geeriyootay Dab Ka Kacay Xarun Lagu Daryeelo Agoonta Oo Ku Taalla Guatemala

Sheeko:Dalka

Xarun lagu daryeelo gabdhaha agoonta ah oo ku taal waddanka Guatemala ayaa waxaa ka kacay dab, inta la ogyahay waxaa ku dhintay 21 qof halka tobaneeyo  kalana ay ku dhaawacmeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Booliska ayaa waxay sheegeen in dabka uu ka kacay magaalo ku taalla waqooyi bari ee caasimadda waddanka Guatemala.

Booliska ayaa waxay sheegeen in qolka uu dabka  ka kacay uu qof ku jiray loogana shakisanyahy inuu isaga dab qabadsiiyay, dabka ayaa daqiiqado kooban waxa uu ku baahay xarunta oo dhan.

Afhayeen u hadlay kooxda dab damiska ayaa waxa uu sheegay inuu arkay 21 qof oo dhimatay, halka tobaneeyo kale oo dhaawacana  loo qaaday isbitaallada si loo daweeyo,

Kooxda dab dhamiska ayaa usuurto gashay inay ku guuleystaan inay damiyaan dambka .

Warbixinada qaar ayaa waxay sheegayaan in caruurta ku jirtay goobta uu dabba ka kacay ay gaarayeen 400 ilaa 700 oo cunug.

Santuuqa qaramada midoobay ee caruurta ayaa cambaareeyay dabka qabsaday xarunta lagu daryeelayey carruurtaan ee ku taalla waddanka Guatemala ee bartamaha qaaradda Maraykanka.

Goobjoog News